Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo ka degay

Cabirka Farta

Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Dalka Jibouti ayaa maanta wuxuu degay magaalada Baydhabo oo fariisinka KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo Baydhabo horay u sii joogay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay sabab la xiriirta socdaal uu madaxweyne Yuusuf ku tegay. Lama oga in Madaxweynaha uu waqti dheer sii joogi doono Magaaladaas iyo in uu meelo kale uga sii gudbi doono.

Socdaalka uu Madaxweynaha  ku tegay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo la qorsheynayo in Baarlamaanka Soomaaliya la hor-geeyo Heshiis awood qeybsi ah oo ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, kaasi oo qodobadiisa uu ka mid yahay  in la sameeyo Dowlad Midnimo Qaran oo xubnaha Baarlamaankeeda uu gaarayo 550 Mudane.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu isna Baydhabo gaaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo safarka Baydhabo ee labada mas’uulna ay dad badan ku fasirayaan in uu la xiriiro sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu isna Baydhabo soo gaari doono saacadaha soo socda.

Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ee uu ku laabtay madaxweyne Yusuuf ayaa dhawaanahan wuxuu ahaa mid ay ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal, qaraxyo iyo weliba weerarro lagu qaado guryaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia