Jimco, December 05, 2008(HOL): Mid ka mid ah 5 dhalinyaro ah oo la shaaciyey inay fuliyeen qaraxyadii ka dhacay bishii la soo dhaafay ee Oktoobar Waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu aasay galabnimadii Arbacadii Gobolka Minnesota gaar ahaan Xaafadda Burnsville, Hay'adda sirdoonka ee FBI ay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ay ka soo qaadeen Lafaha Axmed Shirwac sidda uu sheegay TV FOX9 ee dalka Maraykanka.
Hay'adda Sirdoonka ee FBI ayaa waxaa ay sheegeen in ku ogaadeen DNA ay ka soo qaadeen lafaha Axmed Shirwac mar ay lafahaas ay ka soo qaadeen gudaha dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Ahmed Shirwac ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo da'diisu ay ahayd 27 sanno asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya haystana dhalasha da dalka Maraykanka,Axmed ayaa ahaa nin dhinac diinta jecel qoyska Axmed ayaa waxaa ay diideen in ay wax war ah siiyaan Idaacadaha iyo TV-da dalka Maraykanka.
Omar Jamal oo ah Madaxa Somali Justice Advocacy Center oo waramayey Fox9 ayaa yiri "Daacaddii waxaan isaga u arkaa dhab'ahaantii inuu yahay dhibane, dambiile uma arko, markaan u fiirsho dhibanaha da'day yar waa sida uu hadalka u dhigaye.
Tv-da iyo Idaacadaha Gobolka Minnesota ayaa waxaa ay aad uga waramayaan dhalinyaro la sheegay in ay ka dhoofeen dalka Maraykanka waxaan ay diirada saareen Masjidada.
Maamulka Masjidka Abubokar ayaa waxaa ay ku howlan yihiin qaabkii loo wajahi lahaa arintaan dhalinyarad iyadoo la sameeyey gudiyo isku dhaf ah oo ka kooban Maamulka masjidka iyo wakiilo ka socda waalidiinta si Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ay mowqif midaysan uga wada gaaraan qaabkii Saxaafada loo siin lahaa warar xaqiiqo ah oo ay waalidka iyo Maamulka Masjidkaba ay ka wada midaysan yihiin.
Maalintii Sabtida ee Taariikhdu ay hayd 29 -11-2008 ayaa Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar oo hogaaminaya Xujaaj u socotey dalka Sacuudiga ayaa waxaa loo diiday Sh.C/raxmaan in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Minnesota sida uu Waraysi gaar ah oo uu siiyey Sh.C/raxmaan Sheikh Cumar Shabakada wararka ee Halgan.net uu noogu sheegay.
Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa kale oo waraysi uu siiyey FOX9 uu ugu sheegay in waaxda socdaalka ay ku wargeliyeen markii ay ka horistaageen in uu u dhoofo dalka Sacuudiga in Sheikh magaciisa lagu daray dadka aan ka dhoofi karin dalka Maraykanka arinkaas oo sheikh ku tilmaamay in waajib diini ah laga horistaagay.
Warbixinta Tv-FOX9 ayaa waxaa ay gabagabadii ku sheegtay in aaskii Axmed Shirqac aan loo xusin sidda nin Shahiid ah sidoo kalena looma cambaarayn sidii nin wax dilay. waxaa loo aasay sidii qof muslim ah oo dhintay. halkaan ka daawo Fox war bixinteedii.
Abdiwali Warsame
[email protected]
Minnesota, USA