Madaafiic lagu duqeeyay Deegaanka Suuqa Xoolaha oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Dad Rayid ah

Cabirka Farta

Jimco, December 05, 2008(HOL): In ka badan 10 Ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay madaafiic ku dhaceen meel ay ku sugnaayeen oo ah Busteejo Gaadiidka laga raaco oo Suuqa Xoolaha ku taalo iyo weliba  Suuqa Xoolaha laftiisa oo ay dad badan ka dukaameysanayeen.

Madaafiicda sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadkaas ayaa waxay timid kadib markii uu dagaal aan waqti badan socon uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Waxay ahaayeen dadkii ugu badnaa oo ku dhinta deegaanka Suuqa Xoolaha tan iyo markii deegaanka Suuqa Xoolaha ay ka joogsadeen dagaalladii sida joogtada ah uga dhici jiray, waxayna dhimashada maanta ka dhacday Deegaanka Suuqa Xoolaha ay wel wel iyo cabsi xoog leh ku abuurtay dad badan oo ku nool Deegaankaas.

Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay geystaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaara Dad Rayid ah, kuwaasi oo ay dushooda ku dagallamaan dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Duqeynta maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo beryahan si weyn looga hadal hayo dhaqdhaqaaqyo ay sameynayeen Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo la sheegayo in ay ka baxayaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia