Isniin, December 29, 2008(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu ka digay in is-bedelka ku yimid dowladda Federaalka Soomaaliya uu keeno fowdo iyo kala dambeyn la’aan ku timaada dalka Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Sii hayaha Xilka Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay ciidamada dowladda xakameeyaan, isla markaana ay ka digtoonaadaan in ay wax fowdo ah ku dhaqaaqaan.
Waxaa uu sheegay Shiikh Aadan Madoobe in Xilka Madaxweynenimada uu sii heyn doono ilaa iyo inta laga soo dooranayo madaxweyne kale oo ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale caddeeyay in Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhigayo in marka Madaxweyne is-casilo ay xilka sii heyneyso Xukuumadda markaas jirta, ilaa madaxweynaha la soo doorto uu soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare kale.
Hadalka uu sii daayay Shiikh Aadan Madoobe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu is-casilay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo afar sano iyo bilooyin ah madaxweyne ka ahaa Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia