Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaary deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan

Cabirka Farta

Isniin, December 29, 2008(HOL):  Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay deegaanka Kala-beyr oo qiyaastii 23-km u jira Magaalada Beledweyne, waxaana wararku intaa ku darayaan in Ciidamadu bilaabeen markiiba baaritaano lagu sameeynayo gadiidka xamuulka ah ee isaga goosha Goballada dhexe oo qaarkood maalintii shalay uun dhaq dhaqaaqooda bilaabay.
 
Lama oga sababta keentay in Ciidamadu fariisin ka dhigteen deegaanka Kala-beyr laakiin warar kala duwan ayaa ka hadlaya in ujeetadu tahay mid ku saleysan dagaallada ka socda qeybo ka mid ah Goballka Gal-gaduud oo daris la ah Goballka Hiiraan si markaa Itoobiyaaku u joojiyaan hadii ay jiraan Ciidamo gurmad ah oo doonaya in ay ku biiraan dagaallada.
 
Inkastoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay Ciidamado Itoobiyaan ah fariisin ka dhigtaan deegaanka  Kala-beyr ayaa hadana waxaan meesha ka mareyn cabashada dadka rayidka ah ee ku dhaqan Kala-beyrka  iyo deegaanada ku dhaw dhaw oo kuu sheegaya in ay kala kulmaan Ciidamada cadaadis dhinaca nolasha ah.
 
Dhinaca kale goobaha laga raaco gadiidka ee Magaalada Beledweyne ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa siweyn u soo buux dhaafiyay dad ka soo barakacaya dagaallada Goballka Gal-gaduud kuwaa oo u badan Caruur iyo Haween aad u jilicsan lagana yaabo in qaarkood aysan Magaalada ku laheyn qaroobo iyo ehell toona.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia