Isniin, December 29, 2008(HOL): In ka badan 20 Xildhibaan oo shalay ka tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay, isla markaana gaaray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka warbixiyeen waxyaabihii ay Baydhabo uga soo tageen.
Xildhibaan Saalax Nuur Ismaaciil Badbaado oo Xildhibaannadan u hadlay ayaa wuxuu sheegay in sababta ay uga soo tageen Magaalada Baydhabo ay tahay iyadoo ay hanjabaado soo gaareen xili buu yiri la dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in sababta ay Baydhabo uga soo tageen ay qeyb ka tahay iyadoo sida uu u yiri uu Baarlamaanka Soomaaliya af-duubtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo uu sheegay in xitaa markii ay Baydhabo ka soo duulayeen uu isku dayay in uu safarka ka joojiyo.
“Waxaan u soo baxnay in aan Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed aan tusno in aanu Aadan Madoobe u af-duubneyn Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay jirto meel aan Baydhabo ahayn oo la joogi karo iyadoo Mudane Baarlamaan la yahay”ayuu yiri Xildhibaan Saalax Badbaado.
Xildhibaannadan oo ka soo jeeda Deegaannada Puntland iyo Somaliland ayaa waxay ka gaabsadeen in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan mustaqbalkooda Xildhibaannimo haddiiba ay dhici karto in mar kale uu Baydhabo ugu yeero Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay shirarka Baarlamaanka uga qeybgalaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia