Isbahaysiga Dib u xogeynta iyo Dowladda Federaalka oo si wadajir ah u dalbaday Ciidamo Caalami ah oo nabad-ilaalin ka sameeya Soomaaliya

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti  iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray war murtiyeed wadajir ah oo loo qaybiyay saxaafadda, kaasoo Qarammada Midoobay looga dalbay inay ciidamo nabad ilaalin ah geyso Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo ay si wadajir ah u wada saxiixeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo ayaa lagu iyo sheegay inay diyaar u yihiin dhinacyadooda inay dhaqan-geliyaan heshiiskii Jabuuti.

"Dhinacyadu waxay diyaar u yihiin in ay dhaqangeliyaan heshiiskii Jabuuti lagu gaaray, kaddib marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxsay Isbahaysiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay inay xoogga saaraan sidii ciidamo ka socda Qarammada Midoobay loo geyn lahaa Soomaaliya , kuwaasoo qeyb ka qaadanaya xasilinta Somalia.

Warsaxaafadeedkan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ay si wadajir ah u soo saaraan Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga dib u xogeynta ayaa lagu soo beegay xilli ay Ciidamada Itoobiya u diyaarsan yihiin inay baxaan.

Mas'uul u hadlay Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa Muqdisho ka sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in la wareegaan saldhigyada ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, dhamaadka bishan December.

Qaramada Midoobay oo isku dayeysa in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan waxay la’ dahay dowlado diyaar u ah in ay Ciidamadooda u diraan Soomaaliya, waxaana taasi si weyn uga walaacsan dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia