Wafdi ka socda WFP oo booqday degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada dhexe

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Wafdi ka socda hay'adda WPF oo ka kooban afar qof ayaa booqday shalay  gelinkii dambe degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo uu dab baabi'iyay laba casho ka hor.

Dabkaan ayaa burburiyay in ka badan 700 guri oo ay qoysas beeraley ah ku noolaayeen, iyadoo dadkaas aysan haysan wixii ka dambeeyay maalintaas meel ay ku hoydaan, wax ay cunaan iyo weliba dhar ay xirtaan.

Afhayeen u hadlay  Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP  ayaa saxaafadda u sheegay in socdaalkooda uu qayb ka ahaa sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen xaaladda dadkaas guryo la’aanta ku dhacday.

"Waxaan la kulannay dadkii uu dabku guryahooda baabi'iyay, waxaana qorsheynaynaa inaan la soo gaarno cunno deg-deg ah, maadaama aysan haysan wax raashin ah" ayuu yiri Afhayeenka WPF.

Afhayeenka oo ay saxaafadda wax ka weydiisay sababta ay cunno keliya u siinayaan dadkaas, maadaama aysan haysan dadku meel ay ku hoydaan xilligan qaboga ah ayaa sheegay inay go'aansadeen inay marka hore raashin siiyaan dadka, kaddibna ay tallaabo kale qadaan.

Dabkii burburiyay xaafad ka tirsan degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa dilay laba qof oo mid ay ahayd Haweeney Waayeel ah, halka uu dhaawacay 10 qof oo dadka deegaanka ka mid ahaa.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dabkan ayaa ka kacay goob laga cunteeyo oo ku taalla degmadaas, iyadoo dabka damintiisa ay qaadatay in ka badan 12-saacadood oo xiriir ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia