Ganacsigii degmada Dharkeyley ee G/Banaadir oo la xiray

Cabirka Farta

Arbaco, December 24, 2008(HOL): Waxaa saakay la xiray dhammaan ganacsiga degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, kaddib markii halkaas shalay lagu toogtay askari ka tirsan ciidamada saldhigga Galbeed oo lagu magacaabi jiray Burush.

Dilka askarigan ayaa waxaa geystay sida wararku sheegayaan saddex nin oo bastoolado ku hubeysan iyadoo toogashadu ay ka dhacday goob Qaadka lagu iibiyo oo uu ku sugnaa askarigaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii askariga la dilay ay xaaladdu isbadashay, ganacsiga oo dhanna la xiray, balse saakay markii la isku dayay in dib loo furo la diiday, iyadoo ciidamadu ay dilkaas ku eedeynayaan ganacsatada.

Inksatoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas ka tirsan saldhigga Galbeed ayaa haddana waxaan jirin cid isku dayaysa inay xaaladda wax ka badasho oo ay daganaashaha soo celiso.

Ganacsade ku dhow Saldhigga galbeed ayaa u sheegay Shabakaddan in lagu amray in uusan ganacsigiisa furin inta laga siinayo amar dambe, iyadoo ciidamada amarka siiyay ay diideen inay ka warbixiyaan sababta keentay amarkan adag.

Ciidamo faro badan ayaa ku sugan degmada, kuwaasoo aan wax baaritaanno ah sameynayn, balse ku amaraya dadka iyo gaadiidka inaysan imaan laamiga dheer ee dhexmara degmadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia