Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD iyo Midowga Afrika oo Addis Ababa uga shiraya Arirmaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, December 21, 2008(HOL): Wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa maanta shir socon doona laba casho uga furmayaan Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, kaasoo looga hadli doono arrimaha murugsan ee Somalia.

Shirkan ayaa waxaa la sheegay in si weyn loogu lafo-guri doono xaaladaha ammaan ee Somalia kadib marka ay dowladda Itoobiya sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in Ciidamada Amisom aysan awood u lahayn in ay sugaan ammaanka Caasimadda Soomaaliya oo dhan.

Wasiirada ayaa waxay sidoo kale isla soo qaadi doonaan qobo muhim ah oo lagu wado inay ka doodaan madaxda IGAD, kuwaasoo ah sida loo xoojin karo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Shir kale oo midkan la xiriira ayaa isna maalinta berri ah wuxuu ka furmayaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, iyadoo shirkaasina uu isugu imaanaya Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo si weyn uga walaacsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Xaaladda Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxay ku jirtaa marxalad sug oo arag ah, taasi oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto, inkastoo dadka kheyrka saadaaliya ay sheegayaan in ay xaalka Soomaaliya uu hagaagi doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia