Ciidamada Amisom oo Qaraxyo lala beegsaday

Cabirka Farta

Axad, December 21, 2008(HOL): Qaraxyo is xigay ayaa saakay lala beegsaday ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo ka dhacay inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha iyo isgoysk KM4 ee magaalada Muqdisho.

Gaadiid ay leedahay AMISOM ayaa marayay goobta ay qaraxyadu ka dhaceen saakay, iyadoo ciidamadii gaadiidka la socday ay fureen rasaas aad u badan, taasoo qof rayid ah ku dishay Degmada Wadajir.

Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aasay, balse ma jiraan khsaarooyin ay gaarsiiyeen gaadiidkii lala bartilmaameedsaday, mana jirto cid weli sheegatay mas'uuliyaddooda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Major Bohuko oo ka warbixiyay qaraxa lala beegsaday kolonyada gaadiidkooda ayaa qiray inay ahaayeen kuwo laga shaqeeyay oo ay hagayeen dad ku sugnaa meelo u dhow.

Majir Bahuko waxaa uu sheegay in markii ciidamadooda la weeraray ay ku jireen howlgal ay miino baaris ah, wuxuuna xusay in ay Miinada ku qarxiyeen kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya oo ku sugnaa dhismayaal u dhow halka qaraxa lagula beegsaday.

Wadadada oo qadar saacad ku dhow ah xirnayd ayaa dib loo furay iyadoo ciidamo booliis ah oo ku sugan wadadaas ay baaritaan ku sameeyeen dadka iyo gaadiidka halkaas maraya.

Qaraxyo lala beegsaday ciidamada AMISOM ayaa sababay inay dhintaan tiro ka tirsan askartooda, iyadoo qaraxyadaas ay sheegteen xoogaga Al-shabaab ee dagaallada ka wada gudaha Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia