Jaaliyadda Hiiraan ee Dalka Switzerland oo soo dhaweysay magacaabista Guddoomiyaha Gulaha guuritada Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Axad, December 21, 2008(HOL): Jaaliyadda Hiiraan ee Dalka Switzaland oo qoraal soo gaarsiisay HOL ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magacaabista Guddoomiyaha Golaha guuritada Goballka Hiiraan kadib markii dhowr bilood ka hor toogasho lagu dilay Guddoomiyihii hore Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
 
Nabadoon Axmed Shuuriye Yuusuf (Duuliye Sare) oo ah madaxa dhaqanka Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Switzaland ayaa ku tilmaamay Guddoomiyaha cusub Nabadoon Max'uud Axmed Xooshow (Koroto) in uu yahay shaqsi gudan kara xilka balaraan ee loo dhiibay, isaga oo dhinaca kale ugu baaqay in uu sii dhameystiro howlihii uu Bulshada Goballka u hayay Alle ha u naxariistee Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo siweyn ugu caanbaxay arimaha Nabada.
 
Nabadoon Axmed Shuuriye waxaa uu intaa ku sii daray in dhamaan Golaha looga wada fadhiyo gacan siinta Guddoomiyaha cusub waayo ayuu yiri suurta gal ma'aha in Guddoomiyuhu wax badan qabto hadii uusan helin taageerada ama gacan siinta xubnaha kula jira Golaha.
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Eng, C/casiis Axmed C/dulle oo ku saxiixnaa qoraalka ayaa wax lagu xamuudo ku tilmaamay qalaalaasi ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan is rasaaseytii gudaha Magaalada ku dhaxmartay xoogagg ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamiga iyo waliba dilalkii loo geystay Sarakiishii ka tirsanaa Maxakamadaha, waxaana uu sheegay in arimahaasi yihiin marka leysku geeyo kuwo wiiqaya geedi socdka Nabada.
 
Eng, C/casiis waxaan uu gaar ahaan ugu baaqay Golaha guuritida Goballka Hiiraan iyo waliba Saraakiisha Maxkamaduhu in aysan marnaba ogaal soo noqoshada arimaha qal qalka galinaya Nabad-galyada guud, isaga oo ka codsaday Guddoomiyaha cusub ee Golaha guuritida iyo waliba Madaxa Maamulka Islaamiga ee Goballka in ay ka wada shaqeeyaan isu keenida dhinacyada is diidan ee ku wada sugan gudaha Goballka.
 
Qoraalka ayaa ugu danbeytii waxaa lagu soo gabo gabeeyay wax qabadkii Alle ha u naxariisteen Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ay Jaaliyadu ku tilmaamtay mid aan la iloowi doonin islamarkaana loo baahan yahay in ay ku deydaan dadka ka shaqeeya Nabada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia