Sabti, December 20, 2008(HOL): Xaflad lagu xusayay maalinta Booliska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu weeraray madaafiic hoobiyayaal ah.
Dhowr Madfac ayaa waxay ku dhaceen Xarunta Dugsiga sare ee Booliska, inkastoo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in xiliga ay hoobiyayaasha soo dhaceen ay ahayd xili ay xafladdii dhamaatay oo ay dadkii xafladda ka qeybgalay ay kala dareereen.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in aaney jirin cid madaafiicdaas ku dhimatay ama ku dhaawacantay, wuxuuna caddeeyay in xiliga ay madaafiicda soo dhaceysay ay xarunta dugsiga Booliska ahayd mid aaney cidna joogin.
Jen. Cabdi Qeybdiid, waxaa uu intaas ku daray in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadkii xafladda ka qeybgalay, wuxuuse sheegay in aysan taasi dhicin oo ay ku soo beegmeen iyadoo ay dadkii kala tageen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaafiicda maanta lagu weeraray xarunta Dugsiga Sare ee Booliska oo ay ka dhacday xaflad lagu xusayay Maalinta aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maanta uu Booliska Soomaaliyeed u dabaal-degayay Sanadguuradii 65aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia