Sabti, December 20, 2008(HOL): Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintayu halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kooxaha ka horjeeda oo ka dhacay Isgoyska Florenza ee degmada Wardhiigley.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhalatay markii madaafiic ay ku dhaceen xaafado ku dhowdhow suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo sidoo kalena ay madaafiici ku dhacday goobo ganacsi oo suuqaas ku yaala.
Dagaalka oo bilowday 9:10-kii habeenimo ayaa dhamaaday 9:40, wuxuuna u dhexeeyay kooxda Mucaskarka Raaskambooni iyo ciidmada ilaalada Madaxtooyada ee ku sugan Isgoyska Florenza.
Inkastoo aan wax war ah laga hayn khasaaraha kala gaaray garabyadii dagaalamay, hadana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dhammaantood waxay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Afhayeenka ciidamada Mileteriga TFG-da Col. Daahir Max'ed Xirsi ayaa sheegay inaysan jirin khasaare dhankooda dagaalka ka gaartay, isagoo iska fogeeyay inay adeegsadeen madaafiicda lagu garaacay qaybo ka tirsan bakaaraha iyo xaafado ku dhowdhow.
"Adeer annagu waxaan adeegsanaa qoryaha fudud ee ay ka mid yihiin Dhashiikaha, iyo 37-ka qorirga loo yaqaan, ma aanu adeegsanno madaafiic, waayo dagaalku ma ahayn mid weyn oo madaafiic loo adeegsan karo" ayuu yiri Col. Daahir Max'ed Xirsi.
Dadweynihii daganaa xaafadaha ku dhow Suuqa Bakaaraha ayaa galay guryaha shubka ah si ay uga badbaadaan madaafiicda xoogan, iyadoo qaarkood la sheegay inay saakay halkaas ka soo baxeen.
Afhayeen u hadlay kooxda Raaskanbooni oo weerarka qaaday ayaa sheegay in dhankooda aysan khasaare gaarin, balse ay dhanka kale gaarsiiyeen khasaarooyin xooggan oo ayna ku guulaysteen inay ka saaraan dhufeysyadii ay ku jireen.
Saaka ayaa waxaa dagan goobihii lagu dagaalamay iyadoo gaadiidka iyo dadku ay si caadi ah u isticmaalayaan wadada wadnaha; iyadoo ganacsiga Bakaaruhuna uu si caadi ah u furmay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia