Xabsiga Magaalada Beledweyne oo la gaarsiiyay gacan ku dhiigle ka danbeeyay dilka labo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga Goballka Hiiraan

Cabirka Farta
Sabti, December 20, 2008(HOL): Waxaa habeennimadii xalay la soo gaarsiiyay Xabsiga Magaalada Beledweyne C/llaahi Xasan Bari oo maalin ka hor ku toogtay bartamaha Magaalada Beledweyne Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga, kadib markii uu soo kala dhax galay muran la xiriira qori saarnaa gaari nooca dagaalka ah (Tikniko).
 
Koox Diimeedka lagu magacaabo (Jabhad Isaalaamiya) qeybtooda fariisinka ku leh Goballka Bakool gaar ahaa Degmada Tiyeeglow oo gacanta ku dhigtay C/llaahi Xasan Bari ugu dambeyntiina waxaa ay ku soo wareejiyeen Saraakiisha sar sare ee Goballka Hiiraan si markaas loogu qaado danbiga oo uu galay iyada oo la raacayo Shareecada Islaamka.
 
Dilka labada Sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Cilmi Max'ed Maalin (Indhayare) iyo Axmed Suufi ayaa waxaa ka dhashay kacdoon iyo dhaq dhaqaaq keenay in qeybo ka mid ah Magaalada la kala wareegaan Kooxo Siyaasad ahaa is-diidan, waxaana markii danbe kacdoonkaasi ka dhashay si-rasaaseyn dhaxmarta Ciidamada Guddoomiyaha Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow iyo waliba kooxo ka soo horjeeda.
 
Lama oga tallaabada Maamulka Islaamiga Goballku ka qaadi doono gacan ku dhiiglaha xiran C/llaahi Xasan Bare oo ka mid ahaa Ciidamada Col. Cumar Xaashi Aadan waana markii ugu horeysay oo dil noocan oo kala ah uu ka dhax dhaco Saraakiil ka wada tirsan Maxkamadaha Goballka Hiiraan.
 
Dhinaca kale maalintii shalay ayaa dib loogu soo celiyay gacanta Maamulka Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow Saldhiga Baliiska Magaalada Beledweyne oo mar gacan ku heyntiisa ay la wareegeen dhalinyaro Diimeedka Al-shabaab kadib markii Odayaasha iyo Waxgaradka Goballku dadaal u galeen sidii Saldhiga looga saari lahaa kooxda la wareegtay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia