Talaado, December 16, 2008(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan in uu noqdo Nabadoon Max'uud Axmed Xooshow (Koronto) kadib markii uu geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Golaha Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
Munaasabadda oo marka laga soo tago Golaha Odayaasha dhaqanka sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen dhamaan qeybaha Bulshada ayaa dhamaan dhinacyadii ka hadlay waxaa ay si weyn ugu amaaneen wax qabadkii Alle ha u naxariistee Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo sida la tilamaamay ahaa Nabadoon si weyn ugu olaleeya nabadda, isla markaana wax badan qabtay intii uu noolaa.
Waxaana sidoo kale dhinacyadii ka hadlay Munaasabadda caleema-saarka ay ka codsadeen Guddoomiyaha cusub in uu sii wado howlihii uu bulshada u hayay Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
Intaa kadib waxaa halkaas lagu dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan Nabadoon Max'uud Axmed Xooshow oo sheegay in uu u shaqeyn doono si daacad isla markaana uu xoogga saari doono arrimaha dib u hishiisiinta iyo waliba sidii Goballka loo nabadeyn lahaa.
Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan oo ka kooban 63- Xubnood ayaa u taagan Gole wakiillo ah oo uu uu lee yahay Goballka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Goluhu mar walba leeyahay go'aan ka gaarida arrimaha la xiriira dhaqanka iyo waliba Siyaasadda oo si weyn loogu qadariyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Golaha Guurtida Goballka Hiiraan
Cabirka Farta
More News
- Seminaar looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Suxufiyiinta oo Muqdisho lagu qabtay
- Guddiga Wadajirka Amniga ee Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Muqdisho ku shiray
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Ra’iisal Wasaare kale u magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Dowladda Kenya oo sheegtay in ay Madaxweyne Yuusuf ku soo rogeyso cunaqabateyn gaar ah
- Wasiirradii uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo la dhaariyay
- Sidee ku wada shaqeyn karaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka mar haddii Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida siiyay Xumkuumadda Ra'iisul Wasaare Nuure Cadde?
- Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Soomaaliya oo maanta ku shiraya Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Ra’iisal Wasaare kale u magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya