Seminaar looga hadlayay dhibaatooyinka loo geysto Suxufiyiinta oo Muqdisho lagu qabtay

Cabirka Farta


Talaado, December 16, 2008(HOL): Seminaar looga hadlayay dhibaatooyinka sii kordhaya ee saxaafadda Soomaaliya lagu iyo sidii looga hortegi lahaa oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Saxaafadda Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiin iyo xubno ka kala socday qeybaha saxaafadda iyo ururada bulshada rayidka ayaa kulanka ka soo qeyb galay, waxayna uga doodeen qoddobo ay ka mid yihiin:

Xaaladda Saxaafadda Soomaaliya ku sugan tahay xilligan.
 
Iskaashi ay Warbaahinta madaxa bannnaan iyo ururada bulshada ka yeeshaan sidii looga hortegi lahaa tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda, loona abuuro qaab wadareed loogu howlgalo u doodista saxafiyiinta iyo warbaahinta dhibaatooyinka la soo gudboonaadaan.
 

Taageeridda Saxaafadda iyo saxafiyiinta xilligan adag ku shaqeynaya; iyaguna ku dhaqmaan anshaxa saxaafadda.
 
Cambaareyn dhinacyada kala duwan ee tacadiga ku haya Saxaafadda iyo saxafiyiinta dalka ka howlgasha.
 
Baaq loo diro TFG-da, maamulada iyo dhammaan kooxaha dalka ka jira loogu yeero inay joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan saxaafadda madaxa bannaan.
 
Cod mideysan oo loogu baaqo kooxaha heysta dhammaan saxafiyiinta xilligan afduubka lagu heysto inay shuruud la'aan sii daayaan una soo celiyaan xoriyaddooda, lana furo warbaahinta xiran.
 
Guddoomiyaha Golaha saxaafadda Qaranka Yusuuf Cali Cusmaan ayaa ka warbixiyay xaaladda ay ku jrto saxaafadda wuxuuna sheegay in Saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliya waxay ku shaqeeyaan xaalad aad  u adag oo ay la wadaagaan bulshada inteeda kale, waxaana soo gaara ayuu yiri dhibaatooyin fara badan oo joogto noqday muddooyinkan danbe sida: dil, dhaawac xarig, jirdil, handadaad iyo aamusin.


"Sanadkii tegay ee 2007-da wuxuu ahaa kii ugu xumaa oo ay soo maraan saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliya, laakiin waxaa nasiib darro ah in sanadkan dhamaanaya ee 2008-da ay sidoo kale sii socdaan dhibaatooyinkii loo geysanayay saxafiyiinta" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha saxaafadda.

Wuxuu sii raaciyay in iskaashi looga baahan yahay saxaafadda isagoo intaas ku daray: "Golaha Saxaafadda Qaranka wuxuu ururada saxaafadda caalamka ee taageera una dooda saxafiyiinta ugu baaqayaa inay doorkooda ka qaataan taageerada saxaafadda iyo saxafiyiinta  Soomaaliya ee ku dhex shaqeynaya xaaladda qalalaasaha iyo colaadaha ee ka taagan Soomaaliya".

Axmed Cali Maxamed "Shariifka" madaxa maamulka Golaha saxaafadda ayaa isaguna warbixin ku saabsan xaaladda saxaafadda ka jeediyay seminaarka waxayna warbixintiisu ahayd sida soo socota:

"Saxafiyiinta Soomaalida intooda ka shaqeeya gudaha Soomaaliya waxaa soo wajaha dhibaatooyin fara badan waxaana nasiib darro noqotay in maamulada iyo kooxaha dalka ka jira ay si isku mida ugu tuntaan xoriyadda saxaafadda, dhibaatooyinkaas waxaa ka mida:

Dil

Sanadkan 2008-da waxaa la dilay laba saxafi oo lagu dilay magaalada Kismaayo:

Xasan Kaafi Xareed Iyo Nasteex Daahir

DHAAWAC

Isla Sanadkan waxaa la dhaawacay 7 saxafi oo isugu jira kuwo si toos ah loo beegsaday shaqadooda saxaafadeed awgeed iyo kuwo xaaladda dalka ka jirta ay saameysay.

Xarig

Sanadkan sii dhammaanaya ma yareyn saxafiyiinta la xiray  iyadoo loo heysto shaqadooda warbaahineed waxaase nasiib wanaag ah inaysan waqti badan ku qaadan xabsiyadda sida sanadkii hore.

AFDUUB:

Saxafiyiinta Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah ee Soomaaliya u yimaada waxaa soo wajaha afduub sii kordhaya oo waqti dheerna qaata, iyadoo sababtu tahay madax furasho, waxaana maanta afduub loogu heystaa dalka 7 Saxafi oo afar kamida ajnabi yihiin, saddexda kalena Soomaali.

Cabdifataax Maxamed Cilmi
Amanda Lindhout (Canada)
Nigel Brenan (Australia)
Saddexdan weriye waxaa bishii 23 August lagu afuubtay  duleedka Muqdisho

Cawaale Jaamac
Mukhtaar siciid
Colin Freeman (Biritish)
José Cendón (Spanish)

Afartan weriye waxaa Boosaaso laga afduubtay 26-kii Novembar. 

Waxaa kaloo xiran Idaacad ku taalla magaalada Kismaayo oo loo xiray amar ka soo baxay maamulka halkaasi ka jira.

Waxaa kaloo saxafiyiinta lagula kacaa falal isugu jira: Jirdil, handadaad, weeraro lagu qaado iyo warbaahinta oo laga xiro tiiyo aanu jirin maamul damaanad qaadaya kara ammaanka saxafiga xor u shaqeynta saxaafadda.

Maxamed Cilmi Dheere oo ka mid ahaa madax ka soo ahaa Idaacaddaha madaxa bannaan ee Muqdisho oo wiilkiisa Cabdifitaax ka mid yahay saxafiyiinta afduubka lagu heysto muddo 4 Bilood ku dhow ayaa uga mahad celiyay Golaha saxaafadda kulanka ay soo qabanqaabiyeen, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda iyo saxafiyiinta aan loo dulqaadan karin loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortegi lahaa.

Cilmi Dheere wuxuu sheegay in wiilkiisa C/fitaax muddo afar bilood ku dhow afduub loo heysto  iyadoo aan la ogeyn cidda heysata iyo waxa ay doonayaan ayna nasiib darro tahay in dadka bulshada warka siiya ee xaqiiqada soo bandhigaya sidaas loo dhaqmo, "Waxaan ugu baaqayaa kooxaha heysta wiilkeyga iyo saxafiyiinta kale inay  sii daayaan" ayuu yiri Cilmi dheere oo ku booriyay saxafiyiinta inay dhabar adeygaan howsha adag oo ay bulshada u hayaan.

Afhayeenka dowladda KMG ah Cabdi Xaaji Goobdoon oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhinacooda xukuumadda KMG ah ee Nuur Cadde hoggaamiyo ay diyaar u yihiin taageerada saxaafadda madaxa bannaan, Ra'iisal wasaarahana ay ka go'an tahay inuu saxaafadda garab siiyo.

Goobdoon wuxuu caddeeyay in xaalado adag ay soo martay saxaafadda welina ku jirto, wuxuuna warbaahinta ku booriyay inay mar kasta xaqiiqada ka hadasho oo si anshax ah u baahiso wararkeeda, wuxuuna caddeeyay in saxaafadda madax bannaanideeda ay aaminsan yihiin weliba ay wax la qabanayaan.

Mas'uuliyintii Warbaahinta, ururada bulshada iyo marti sharaftii shirka oo dood dheer ka yeeshay qoddobada looga hadlayay seminaarka kadib waxay soo saareen baaq ka kooban shan qodob oo kala ah:

Waxaan taageereynaa saxaafadda madaxa bannaan ee ku shaqeysa xaaladda adag ee dalku ku jiro.
 
saxaafadda madaxa bannaan iyo bulshada rayidka waa inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa tacadiyada lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta.

Waxaan cambaareyneynaa dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta dalka howlgasha.

Waxaan ugu baaqeynaa TFG-da, Maamulada dalka ka jira iyo dhammaan kooxaha inay gacan ka geystaan joojinta tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta.

Waxaan ku baaqeynaa in la sii  daayo dhammaan saxafiyiinta afduubka loo heysto loona soo celiyo xoriyadooda shuruud la'aan, lana furo warbaahinta xiran.
 
seminaarka waxaa ka soo qeyb galay: Madax iyo xubno kala socday hay'adaha warbaahineed, ururada saxaafadeed, ururada bulshada radyidka ee kala ah:

1.GOLAHA SAXAAFADDA QARANKA

2. TFG-da

3. Somali Pen

4.HORNAFRIK

5.RADIO BANAADIR

6.RADIO SIMBA

7.SHABELLE

8.RADIO SOMALIWEYN

9.RADIO SAHAN

10. RADIO IQK

11. CODKA NABADDA

12. RAAD TV

13. RADIO VOD

14. RADIO XURMO

15. socfex

16. NUSOJ

17. SOWJA

18. SOCWE

19. PEACE LINE

20. INXA

21. WOJA

22. COGWO

23. DJIHRO

24. SOMALI LAW SOCIETY

25. hiiraan oline

26. SOMALITALK

27. PUNTLAND POST

28. WAAYAHA

29. MOGADISHU TIMES

30. wanlawein human right

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia