Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Soomaaliya oo maanta ku shiraya Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York

Cabirka Farta

Talaado, December 16, 2008(HOL): Kooxda Caalamiga ah ee La-Xariirka Arrimaha Soomaaliya, waxay qaban doonaan shir muhiim ah maalinta Talaadada ah ee 16ka Disembar, wuxuuna shirka ka dhacayaa Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York.

Waxaa la filaya in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dawladda Mareykanka (USA), Haweenedada la yiraahdo Condoleeza Rice oo ay weheliyaan Wasiiro kale ay ka mid noqon doonaan ka qeyb galayasha wadahadalada. Waxaa hubaal ah in la canbaareen doono khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, uuna yahay mid looga jeedinayo dadka Soomaaliyeed arrinta dhabta ah ee ay doonayaan in wax laga qabto.

Kooxda la Xariirka: waa saaxiibo Soomaaliyeed oo kulmaaya, waxayna ka kooban yihiin, waddamo iyo ururro gaar ah, sida Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Waxaana Shir-guddoominaya Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya; Ahmedou Ould Abdallah. Guddigana wuxuu shiraa sanadkiiba laba jeer. Shir maalmeedkan ka dhicidoona Xarunta Qaramadda Midoobay waxaa looga hadlidoonaa dhowr arrimood oo la xiriira arrimaha Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Bin’aadinimo ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa shirka lagaga hadlidoona iskaashiga siyaaso, xuquuqul-insaan, burcad-badeenimo, dib u dhiska iyo horumarintaba. Shirkan wuxuu dhacayaa wax yar ka hor inta-uusan qabsoomin Shirka Golaha Amaanka oo la filaayo in ajendadiisa ay ka mid noqoto burcad badeednimada ka jirta Soomaaliya. “Waxaan rajeynaynaa in ergo aad u badan ay ka soo qayb galaan Shirka La-XiriirkaArrimaha Soomaaliya, kuwaa soo heerkoodu sareeyo, ayuu Ould Abdallah”. “Arrintani waxay ku tusaysa in danayta arrimaha Soomaaliya ay issasoo tarayso Heer Gobol iyoHeer Caalamiba”ah. Waxaa kale oo muuqda rabitaan issasoo taraayo oo loogu dan leeyahay in Soomaalida horey ugu socoto waddada nabadda, waxna ka qabato dhaqanka ku saabsan “dembi gal haddana iska soco” “IMPUNITY”. Falkan IMPUNITY wxuu ka mid yahay sabaha ugu weyn ee sii-socoshada nabadgelyo la’aanta ka jirta Soomaaliya.

 “Hase-ahaatee, dadaalka Bulshada Caalamka wuxuu ahaanayaa mid xaddidan, ilaa ay dadka Soomaaliyeed la yimaadaan dadaal xoog leh oo ay ku mideyneyaan ugana hawl galaan dhameynta dhibaatada”. Waxaan fahamsanahay in sii socoshada muranka joogtada ah ee ka dhexeeya madaxda TFG, “si da ku cad hadal qoraalka maanta ka soo baxay Baidoa” ay dad badan oo Soomaaliyeed, Urur Goboledka IGAD, BulshadaCaalamka oo xaafiiskeygu ka mid yahay ay diidi-doonaan”.

“Hogganka Soomaaliyeed ee TFG-da, ARSta iyo kooxaxa kaleba waa in ay ogaadaan inaan Wadadda nabada laga soo noqon karin. Sidoo kale, waa in la ogaadaa in ay soo yaraadeen maalmihii iska horimaad aan loo baahneen la sameyn jiray, taasoo dhibaato uun hor-seedaysay”.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka faa’iideystaan fursada u keenay geedi-socodka nabada, waana in aysan dadkooda khasaarin. Maslaxadda ummadda darteeda, watiga hadda aan ku jirno, dagaalka ummadda dhexdeeda ah waa in uu istaaga”.

Shirka Guddiga la Xiriirrka Arrimaha Soomaaliya, wuxuu ifinaya arrinta Soomaaliya, wuxuuna ku dadaali doonaa sidii ay ugu soo bixi lahaayeen arrimo waxtar leh iyo talaabooyin la taaban karo oo ku aadan sidii bulshada caalamku horey ugu martinlaheyd geedi socodaka nabada”.

“Xubnaha Guddiga la Xiriirka Arrimaha Soomaaliya waxay ka kooban yihiin: Burundi, Canada, Djibouti, Egypt, Ethiopia, France, Germany, Italy, Kenya, Norway, SaudiArabia, Sweden, South Africa, Tanzania, Uganda, United Kingdom, Yemen, Afiracn Union, European Union, European Commission, League of Arab States, IGAD,Organization of Islamic Conference”.

Wixii faah-faahin dheeraad ah fadlan la xiriir: Susannah Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel. +254 20 762 1192 (o) or +254 733 902020 (m). ama booqo: www.UN-Somalia.org