Madaxa Dhaqdhaqaaqa Dekedda Muqdisho oo xabsi laga sii daayay

Cabirka Farta

Axad, December 14, 2008(HOL): Waxaa xabsi laga sii daayay Madaxa Dhaqdhaqaaqa Dekedda Muqdisho Axmed Cabdi Xasan Wataac kadib markii ay xabsi dhigeen Ciidamo Boolis ah oo amar ka heystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
 
Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa markii xabsiga laga sii daayay kadib waxaa uu la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in uu xarigiisa ka dambeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo gudaha dekedda ay ku murmeen.
 
“Shalay barqadii annaga oo joogna Dekedda ayaa waxaa yimid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo ku xigeenkiisa, waxayna toos u abaareen Markab Dekedda ku xirnaa oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, kadibna waxay joojiyeen howlo dejin ah oo Markabka  ka socotay, ilaa ugu dambeyntii ay su’aalo weydiin kula dhaqaaqeen Captain-kii Markabka, markaas ayaan arrinta ku soo baxnay, waxaana weydiinay sababta  ay su’aalaha u weydiinayaan, markii aan intaas dhahnay aniga iyo Maareeye ku xigeenka  Dekedda ayuu nagu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Dekedda bannaanka ayaad uga baxeysaan, markaasaan ku iri haddii macluumaad laga rabo Markabka qaabab loo wajaho ayaa jiro ee ma ahan in aad toos u aadaan, haddii dekedda cid ka baxeysana adiga ayaa baxaya” ayuu yiri Axmed Cabdi Xasan Wataac oo sheegay in intaas kadib uu Taliyaha Ciidanka Booliska uu amar ku bixiyay in la kaxeeyo oo la xiro.
 
Axmed Cabdi Xasan Wataac waxaa uu sheegay in uu aad uga xumaaday in iyadoo Dekedda ay nidaam leedahay ay madaxda Booliska u hoggaansami waayeen nidaamka iyoshuruucda lagu maamulo Dekedda weyn ee Muqdisho, isla markaana ay sameeyaan waxyaabo aaney xaq u lahayn.
 
Ugu dambeyntiina, Madaxa Dhaqdhaqaaqa Dekedda Muqdisho Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa waxaa muddo saacado ah lagu xiray Xarunta CID-da Muqdisho, inkastoo mar dambe la sii daayay oo xoriyaddiisa dib loogu soo celiyay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia