
Axad, December 14, 2008(HOL): Kulankan oo ay ka soo qeb galeen madax sar-sare oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada South Africa ee Magaalada Pretoria ayaa waxaa uu ahaa mid aad loo soo agaasimay iyadoo dhinaca Dowladda Koonfurta Africa oo Shirka Qabatay ay hormuud u ahayd Wasiiradda Madaxtooyada Mantombazana Tshabalaa Msimng, iyadoo dhanka Jaaliyadda Soomaalida South Africa (Somali Comminity Board - South africa)) ay uga qaybgaleen Guddoomiyaha Jaaliyadda Sheikh Cabdixakiim Macalin Haadi iyo ku xigeen kiisa Ismaaciil Cabdalla Soomane iyo xubno kale.
Shirkan ayaa looga wada hadalay dhibaatada heysata Qoxootiga Soomaaliyeed ee kunool Dalkan Koonfurta Africa oo sii kordheysa iyo waliba halka ay mareyso xaaladda Somalia. Wasiiradda Madaxtooyada ayaa ballanqaaday in ay u gudbin doonto Madaxweynaha Dhibaatada lagu hayo Qoxootiga Somaliyeed ee ku nool Dalka.
Dhinaca jaaliyadda ayaa waxaa u hadlay Cabdulxakiim Maxamed Haadi oo isna kala hadlay Wasiiradda dilalka macno darrada ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed isagoo ka codsaday Dowladda Koonfurt Africa in ay wax ka qabato arrintaas.
Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa