Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in aysan dagaallada joojin doonin ilaa Dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka

Cabirka Farta

Axad, December 14, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in aysan dagaallada joojin doonin tan iyo inta shareecada Islaamka lagu xukumayo Dalka Soomaaliya.
 
“Xitaa haddii aan geeriyoonno annaga oo jihaadka ku jirna, waxaan ku faraxsannahay in miraha ka soo baxa halgankeena ay ku raaxeysan doonaan jiilalka naga dambeeya”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in haddii ay ku guuleystaan in ay Ciidamada shisheeye dagaal uga saaraan Soomaaliya ay taasi ugu xigi doonto in ay maxkamad soo taagaan dadkii dembiyada ka galay Soomaaliya.
 
Abuu Mansuur oo wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan hadal uu maalmihii tegay sii deynaay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in uu kulamo la qaadanayo Xoogagga Muqaawamada, wuxuuna sheegay in haddii Shiikh Shariif ka tanaasulo waxyaabaha uu hadda ku jiro uu walaalkood yahay, ayna la kulmayaan, hayeeshee sida uu hadalka u yiri ay labo waddo ku kala socdaan inta uu doonayo in uu wax la qeybsado Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
“Haddii ay Dowladda Federaalka wax la qeybsanayaan maxay shalay ugu biiri waayeen intii aaney dadka dhamaanin oo aysan Ciidamada cadawga dhameynin”ayuu mar kale yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
 
Sidoo kale mar wax laga weydiiyay Abuu Masnuur in ay diyaar u yihiin xilal iyo dhaqaale haddii ay dagaallada joojiyaan waxaa uu sheegay in aysan xil iyo dhaqaale doon ahayn, waxa ay rabaanna ay tahay kaliya in ay kor ahaato kalmadda Allaah, dadkana lagu xukumo Shareecada Islaamka.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu dhaqdhaqaaqooda Al-Shabaab  ku soo biiray garab ka go’ay Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo uu sheegay in ay maanta kadib ka mideysan yihiin dhinac walba.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia