SHIIKH DAAHIR CADDOW: “Annaga ma taageersanin Shariif Shariif iyo Shiikh Xasan Daahir, waxaan taageersannahay Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka meeshii ay na mariyaan ayaana mareynaa”

Cabirka Farta

Axad, August 31, 2008(HOL): Shiikh Daahir Caddow Calasow oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Jowhar waxaa uu ku sheegay  in aysan wax shaqo ah ku lahayn heshiiskii ay Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Dowladda Federaalka ay ku gaareen Dalka Jibouti.

Shiikh Daahir waxa uu sheegay in heshiiskii Jibouti uu yahay mid la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu dhantaallo awoodda dagaalyahannada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna xusay in ay soo gaareen warar ku saabsan in meel-marinta heshiiskaas ay ka mid yihiin tallaabooyin loo qaadayo dhinaca isku dhafidda ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan iyagu ahayn kuwa ay Ciidamadooda la midoobaan kuwa Dowladda Federaalka.

“Suurtagal ma ahan in dagaalyahannadeeda ay la midoobaan, ay meel wax kula cunaan, la shaqeeyaan, gunno ay la qaataan Ciidamada u adeega cadawga, taasina waa mid aan ka soo horjeedno”ayuu yiri Shiikh Daahir Caddow Calasow oo sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka uu dagaal ka dhaxeeyo.

Shiikh Daahir Caddow Calasow waxaa kale oo uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in ay heleen warar ku saabsan in rag ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya loo soo wado deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay si weyn uga soo horjeedaan.

“Annaga ma taageersanin Shariif Shariif iyo Shiikh Xasan Daahir, waxaan taageersannahay Kitaabka Alle iyo Sunnada Rasuulka meeshii ay na mariyaan ayaana mareynaa”ayuu yiri Shiikh Daahir Caddow Calasow oo ka jawaabayay weydiin ahayd cidda ay taageersan yihiin Madaxdii Maxkamada Islaamka oo haatan kala fadhiya Jibouti iyo Eritrea.

Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Shiikh Daahir Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmay saacado kadib is-rasaaseyn magaalada Jowhar ku dhexmartay xoogag ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka, taasi oo mar dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia