Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo lagu weeraray gudaha Magaalada Baydhabo

Cabirka Farta

Axad, August 31, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay.

Weerarkaas oo dhacay abaara 7-dii subaxnimo ee saaka isla markaana ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhaawcmay labo askari oo ka tirsan Ciidamadii weerarka lagu qaaday.

Weerarkaas kadib ayaa Xaafadda Suuqa Xoolaha la maqlayay rasaaas xooggan oo ay furayeen Ciidamadii la weeraray, ilaa iyo haatanna lama soo sheegin in rasaastaas wax ku noqotay.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanayay weerarrada lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo guryaha ay degan yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka ilaa iyo haatanna ma jirto cid wax ka qabatay amni darradaas xitaa haddii ay ahaan lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu qaaday guryo ay degan yihiin Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Maxamed Xuseen Raage oo bambo lagu tuuray gurigiisa uu ku dhintay wiilkiisii curadka ahaa, iyadoo ka sii horna weerarro lagu qaaday guryo ay degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxaa ku howlgala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxaa ku yaala Xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe  iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia