Axad, August 31, 2008(HOL): Dadkii ugu badnaa oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa muddo 48 saacadood gudahood ah waxay ku gaareen Dalka Yemen oo dhawaanahan ay ku sii qulqulayeen dad badan oo ka tegay Dalka Soomaaliya.
48-kii saac ee la soo dhaafay kaliya waxaa gaaray dalka Yemen dad gaaraya 1100 ruux, kuwaasi oo dhamaantood Soomaali ahaa, waxayna dadkaasi la socdeen Doomo tiro badan oo ay ka raaceen Xeebaha Soomaaliya.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dalka Yemen ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in dadka tahriibayaasha ah ee gaaray Dalka Yemen ay u badnaayeen dhalinyaro ka soo haajirtay dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in 15 ruux oo ka mid ah dadkaas ay geeriyoodeen kadib markii doontii ay saarnaayeen ay ku dejisay meel mool ah, sidaasna ay ku geeriyoodeen.
Xuseen Xaaji Axmed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sababta u sahashay dadkaas tirada badan ee tahriibayaasha ah in ay galaan dalka Yemen ay tahay iyadoo bad-xirankii uu dhamaaday, sidoo kalena ay soo dhowdahay bilashada Bisha Ramadaan.
Dad badan oo ka cararay nabadgelyo darrada ka jirta Dalka Soomaaliya ayaa waxay si joogto ah u gaaraan Dalka Yemen, halkaasi oo ay uga sii gudbaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Dalka Sacuudiga, iyadoo ay jireen dad badan oo intii ay sii tahriibayeen ku geeriyooday badda u dhaxeysa Yemen iyo Somalia.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia