Xildhibaan Barre Hiiraale oo sheegay in dib ugu noqonayo Magaalada Kismaayo

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaan isaga iyo maamul ka talinayay Magaalada Kismaayo laga saaray magaaladaas ayaa wuxuu sheegay in uu dib ugu noqonayo Ksimaayo.

Xildhibaan Barre Hiiraale oo isagoo ku sugan Gobolka Gedo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu qirtay in Magaalada Kismaayo awood looga soo saaray, wuxuuna sheegay in ay gacan ku heynta magaalada la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab, Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo ka soo jeeda sida uu hadalka u dhigay Beesha Kablalax, isagoo carrabka ku dhuftay in uu dagaalkaas ahaa mid qaab qabiil u abaabulnaa.

Xildhibaanka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dagaallo ku qabsaday inta u dhaxeysa Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ay kaga dhigteen 18 ruux, in ka badan 20 ruux oo kalena ay kaga dhaawacmeen, isagoo weliba xusay in dagaalladaas oo meelo kala duwan ku qabsaday uu ku waayay dhowr gaari oo ka mid ahaa kuwii galbinayay.

Mar la weydiiyay waxa uu yeelayo iyo in uu dib ugu laaban doono Magaalada Kismaayo waxaa uu si cad u sheegay Xildhibaan Barre Hiiraale in uu ku laaban doono Magaaladaas oo uu xusay in ay ku nool yihiin seddex Xaas oo uu leeyahay iyo Hooyadiis, “Si kasta oo ay noqoto waan ku noqon doonnaa Magaalada Kismaayo waayo waxaa ku nool caruurteena iyo caa’iladeena”ayuu yiri Xildhibaan Barre Hiiraale oo sheegay in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo ay ku nool dad badan oo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo ay u ahayd markii labaad oo dagaal looga saaro Magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono iyo sida ay suurtagal ugu noqon karto in uu dib ugu noqdo Magaalada Kismaayo oo uu dharaar cad ka soo tegay kadib markii uu dagaal ku qabsaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia