Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku baaqay in loo gurmado Dad dhaawacyo qaba oo ku jira Isbitaallada Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa wuxuu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dad badan oo iyagoo dhaawacyo qaba la dhigay Isbitaallada Muqdisho.

Cali Dheere, waxaa uu sheegay in uu isagu shakhsi ahaan isku howli doono sidii dadkaas gurmad loola gaari lahaa, sidoo kalena wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dadkaas il naxariis leh ku eegaan.

“Dadkaas waxay u baahan yihiin in loogu deeqo dhiig iyo dheef, waayo waxay u badan yihiin kuwo aan wax heysan, marka cid kasta oo wax tari karta dadkaas waxaan ka codsaneynaa in ay gurmadkaas ka qeybqaadato”ayuu yiri Cali Dheere Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay si weyn ugu gurmadeen Haween tiradooda 40 ruux kor u dhaafeysay, kuwaasi oo ku dhaawacmay Qarax ka dhashay Miino loogu aasay Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Shineemo Soomaaliya, halkaasi oo ay ka wadeen howl nadaafadeed.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Keysaney, Madiina iyo Dayniile ayaa waxaa la dhigaa dadka waxyeellada ka soo gaarto dagaallada iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxayna dadkaas badankood yihiin kuwo iyagoo nolol maalmeedkooda la dagaallamayay ay dhibaato soo gaartay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia