Masjidka Shiikh Cali Suufi oo 11 bilood kadib markii ugu horeysay maanta lagu tukaday Salaaddii Jimcaha

Cabirka Farta

Jimco, August 29, 2008(HOL): 11 bilood kadib ayaa waxaa suurtagashay in maanta si rasmi ah loo furo Masjidka Shiikh Cali Suufi ee ku yaala Isgoyska Kaasabolbollaare ee Degmada Hodan, isla markaana ay si Jameeco ah ugu tukadaan dad badan oo aan muddo is-arkin.

Masjidkaas ayaa wuxuu ku xirmay dagaalladii sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, si gaar ahna wuxuu ugu sii xirmay dagaallo dhowr jeer ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dib u furidda Masjidka waxaa si weyn u soo dhaweeyay Dadkii Salaadda ku tukan jiray, kuwaasi oo dhawaanahan dib ugu soo noqonayay xaafadahooda kadib markii nawaaxiga Masjidka iyo Xaafadahooda ay ka baxeen Ciidamo ku sugnaa.

Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ka mid ah Masjidyada waa weyn ee ku yaala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa sanad kasta marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa Afur ka heli jiray Dad badan oo aan awoodi karin in ay helaan wax ay ku afuraan, wuxuuna dib u furitaankiisa ku soo beegmayaa iyadoo ay soo dhowdahay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah Jameecadii Maanta Masjidkaas ku tukatay ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wax heysta waxay ka codsadeen in ay gacan ka geystaan afurinta dadka aan waxba heysan ee sanad kasta uu Masjidka afurin jiray, waxayna sidoo kale codsadeen in Masjidka loo soo camiro sidii uu ahaan jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia