Olole lagu furayo Waddooyin cusub oo ka bilawaday degmada Gal-Dogob ee Gobolka Mudug

Cabirka Farta


Axad, August 24, 2008(HOL): Waxaa Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug laga bilaabay Olole aad u balaaran kaasi oo lagu farayo waddooyin dhawr ah, kuwaasi oo aan muddo sanado ah la isticmaalin sababo la xiriira Miinooyin Wadadaasi lagu aasay waqti hore aawgood.

Ololaha lagu furayo Waddoyinka ku yaala Degmadaasi ayaa waxaa iska kaashanaya hay’adda Miino-baarista Puntland iyo Ganacsatada degmada Galdogobo oo isugu jira Qurba-joog iyo kuwo dalka horay u sii joogay.

Xaflad ay ka soo qaybgaleen Mas’uuliyiinta Degmada  Gal-Dogob iyo qaar ka mid ah Ganacstada Degmadaasi ee gacanta ka gaysanaysa Ololahan Miino-Baarista ah  ayaa waxa ay ka dhacday Meel 15km ka xigta degmadaasi dhinaca Bari, iyadoo xafladaasina Wadooyin cusub xarigga looga jaray.

Guddoomiyaha Degmada Gal-dogob C/llaahi Maxamed Xirsi  oo ka hadlay Xafladdaasi  ayaa sheegay in Waddooyinka la  furay ay wax wayn ka tiri doonaan dhamaan isku socodka Gaadiidka iyo Dadwaynaha  Degmadaasi, isagoo Mahad ballaaran u jeediyay Ganacsatadii gacanta ku lahayd hir-galinta Waddooyinka qaar ee la furay.

 Wadooyinka la furay waxaa ka mid ah waddo xirnayd muddo 22 sano ah ,waxaana furitaanka Wadadaasi si wayn u soo dhaweeyay Shacabwaynaha degmadaasi Galdogob oo iyana  mahad ballaaran u jeediyay Mas’uuliyiintii gacanta ka gaysatay furitaanka wadadaasi.

Degmada Gal-Dogob ayaa waxaa ay ka mid tahay Magaalooyinki uu saameeyay dagaalkii dhaxmaray dawladaha Somalia iyo Itoobiya, iyadoo Magaaladaasi  meelaha qaar ay yaallaan Hub aad u fara badan kaasi oo inta badan dhibaato u gaystay Shacabka Degmadaasi.

Isku soo wadaduuboo Ololahaan waddooyinka loogu furayo degmadaasi Gal-Dogob ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee laga fuliyo Gudaha Degmadaasi, balse waa Ololihii ugu ballaaranaa oo in muddo ah laga bilaabo Gudaha Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Faysal Maxamed Xasan (Boston) Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia