Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo la sheegay in ay isaga soo dhawaadeen khilaafkii u dhaxeeyay

Cabirka Farta

Axad, August 24, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee Xarunta u ah Dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in ay isu soo dhawaadeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku kala tegay khilaaf soo kala dhexgalay.

Wararkan oo aan qaarkood ka helnay ilo diblumaasiyadeed ayaa waxay intaas ku darayaan in ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay isaga soo dhawaaden mowqifyadii ay ku kala dheganaayeen kadib wada hadal ay la qaateen madaxda Dowladda Itoobiya.

Inkastoo aan faahfahin rasmi ah laga heynin waxyaabaha ay isku af-garteen madaxda sare ee Dowladda oo muddo todobaadyo ah uu khilaaf u dhaxeeyay hadana waxaa la sheegayaa in is-af-garadkooda uu gaarsiisan yahay in loo xafladeeyo, iyadoo dhawaanna la qaban doono xaflad lagu muujinayo in la soo af-jaray khilaafkii madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo kala dhexgalay, kaasi oo ay weliba ka soo qeybgeli doonaan diblumaasiyiin ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu khilaafkooda bannaankooda u soo baxay kadib markii uu Ra’iisal Wasaaraha xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir ka qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kadibna uu madaxweynaha ka soo horjeestay xil-ka-qaadistaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Khilaafyada soo kala dhexgala Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay noqdeen kuwo lagu soo af-meero Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, iyadoo la xusuusan yahay in halkaas horay loogu soo dhameeyay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia