Xildhibaan Barre Hiiraale oo ugu dambeyntii gaaray Gobolka Gedo kadib seddex dagaal oo ku qabsaday inta u dhaxeysa Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose

Cabirka Farta

Axad, August 24, 2008(HOL):  Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo la socdaan xubno ka tirsan Maamulkii gacanta ku hayay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu gaaray Deegaanka Giriley oo 190km K/galbeed kaga beegan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xildhibaanka oo watay Gaadiid dagaal oo aad u faro badan ayaa intii uu ku soo socday wadada isku xirta Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo waxaa  jidka ku qabsaday seddex weerar oo ay ku qaadeen Xoogag taabacsan kuwii ka soo saaray Magaalada Kismaayo.

Seddexda Meelood ee lagu weeraray Xildhibaanka iyo Mas’uuliyiintii kale ee la socda ayaa waxay kala yihiin Jannaay Cabdalla, Xaya iyo Banka Jiiro, waxaana halkaas ka dhacay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyooyinkii la socday Xildhibaanka iyo Kooxihii jidka u galay, iyadoo ayba jiraan warar sheegaya in maxaabiis la kala qabsaday.

Xildhibaanka oo haatan ku sugan Deegaanka Giriley ee Gobolka Gedo ayaan la ogeyn halka uu u jiheysan doono kadib marka uu ka  nasto safarkii dagaalka huwanaa ee uu ku soo galay inta u dhaxeysa Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ugu dambeyntiina, Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa dhawaanahan waxaa laga soo sheegayay Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kuwaasi oo dhowr jeer intey Degmada tageen kulamo la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmadaas ku dhaqan. Lama oga sida uu xaalku noqon doono marka ay Gobolka Gedo isugu tagaan Maleeshiyooyinka uu wato Xildhibaanka iyo Xoogagga Al-Shabaab ee dhawaanahan gobolka isku abaabulayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia