Madaxweyne Rayaale oo Shahaadooyin guddoonsiiyay Macalimiin Aqoon Jaamacadeed dhammaystay

Cabirka Farta


Arbaco, August 20, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa  shahaado-sharaf guddoonsiiyay ilaa 20 Macalin oo ka mid ah 2000 oo Macallin oo tababar socday muddo 4 sanno ah ku qaatay Jaamacadaha dalka. Tababarkaas oo qayb ka ahaa barnaamij lagu magacaabo Xoojinta tacliinta Dugsiyada hoose-dhexe iyo tabbabarka Macalimiinta oo ay gacan ka geysteen Ha'yado kala duwani.

Macalimiintan Shahaadooyinka la guddoonsiiyay oo muddo tababar ku salaysan tacliinta Dugsiyada hoose/dhexe ku qaadanayay Jaamacadaha Hargeysa, Burco, Golis iyo Cammuud, isla markaana ah xubnihii ugu sarreeyay dhianca dhibcaha, ayaa Xaflad loo sameeyay shahaado-guddoonsiinta waxa ka soo qayb galay M/weyne Rayaale, Xubno Wasiiro ah, Masuuliyiin ka socda Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba, Masuuliyiin ka kala socday Golayaasha Qaranka, Laamaha Dawladda iyo Marti-sharaf kale oo badan.

Madaxweyne Rayaale ayaa ka hadlay Munaasibaddii Xafladda. "Barnaamijkan maan mooganayn, Wasaaraddu way ila socodsiinaysay… Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday." Ayuu yidhi M/weyne Rayaale. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxa kale oo aan aad u taageersanahay in gacan wayn la siiyo Gabdhaha, waxaananu ballan qaadaynaa Wasaaradda in Gabdhaha shaqo la siiyo wixii ka soo baxa."

Madaxweyne Rayaale wuxuu ka hadlay Macalimiinta oo uu sheegay inaanay Dawladdu wax ku filan siinin Macalimiinta, isla markaana wuxuu qiray inay tegaan Dugsiyada gaarka loo leeyahay. "Waa laga yaabaa oo waanu luminaynaa macalinkii haddii aanu Dawladda nahay. Dawladdu dakhli badan oo ay Macalinka siiso ma hayso, Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayay tagaan. Laakiin, Siyaasadda Wasaaradda waxaanu isla ognahay in Dugsiyada gaarka loo leeyahay ciddii Manhajka Wasaaradda qaadan wayda, lama aqoonsanayo Shahaadada laga soo qaato. Waa inay Manhajka Waxbarashada ku shaqaysaa, oo aanay meel kastiba noqon meel ganacsi loo furtay oo aanu nin waliba odhan Shahaado ayaan bixiyay oo berrina tayadu halkaa ku xumaato. " ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Rayaale waxa uu sababeeyay sababta ay Macalinka Dawladda ahaan u siin waayeen Mushahar ku filan. "Laba sababood ayaa sabab u ah inaanu Macalinka waxba siin wayno, sababtoo ah dakhli badan ma hayso dawladdu. Meelo badan baanu u tagay EU, waanan kala hadlay sida ay Macalinka gacan uga geysan karaan..aad iyo aad ayaan ugu ammaanayaa Jaamacadihii ka qayb qaatay Barnaamijkan oo aan leeyahay halkaa ka sii wada" ayuu yidhi M. Rayaale.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne), oo ka mid ahaa Masuuliyiintii shalay ka hadlay Xafladda guddoonsiinta Shahaadooyinka oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada, ayaa sheegay in tababarkan ay dhammaysteen Macalimiin tiradoodu dhan tahay 2,000 oo Macalin oo ka kala yimi gobollada dalka. Isla markaana ay 1,500 oo kale hadda geli doonaan wejigii labaad ee Barnaamijkan. Isaga oo ka hadlay sababta ay tababarkan ugu qabteen Jaamacadaha. "Jaamacadaha waxyaabaha aanu u door-bidnay waxay ahayd waa goobo ay aqoontii fadhido, isla markaana laga helayo qalabkii Waxbarashada. Wejiga labaad ee Barnaamijkan oo 1,500 u bilaabmi doona, waxa uu ka bilaabmi doonaa isla jaamacadaha." Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Barnaamijkan tayaynta Tacliinta Dugsiyada Sare. "Barnaamijka oo ay gacan ka geysteen Ha'yadaha SCFUK, SCFDenmark, CARE Int. NRC iyo WFG ee xoojinta tacliinta Dugsiyada Sare waxay noo suurtogeliyaan oo ay ku sal leeyihiin deegaamayntii Waxbarashada iyo tayayntoodii. Deegaamayn waxaan ka wadaa, marka reerku guuraba ay la guurayeen, waxbarashadii iyo da'dii oo laba is-diidan ahina way wada socdaan. Dabadeed waxay noqotay inaynu deegaamayno, waxaanay u baahatay Macallin joogto ah oo tabobaran oo ilaa Fasalka 8aad u dhigi kara, waxa kale oo ay u baahitay in reerkii laga reebo, oo ay Raashin helaan." Ayuu yidhi Wasiirku.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka hadlay inta gudubtay Imitixaanaadkii laga qaaday Macalimiinta tababarka dhammaysatay iyo inta hadhay. "Macalimiinta tiradoodu tahay 2,000 waxay tababarka ku kala galeen Jaamacadaha, Cammuud, Golis, Burco iyo Hargeysa. Waxaana gudbay 82.5%, waxaana ku noqon doona tababarka 17.5%. Xuskanina waa mid dhiirigelin ah, sababtoo ah waa markii u horraysay ee ay qalin-jebiyaan 2,000 oo Macalin" ayuu yidhi Agaasimuhu.

Waxa isna halkaa ka hadlay Madaxa Mashruucan ee Komishanka Yurub Mr. Manferd Winneseld oo Munaasibadda loo sameeyay shahaado-siintan ku tilmaamay mid baal-dahab ah ka geli doonta taariikhda Waxbarashada Somaliland. "M/weynaha JSL, Wasiirada iyo Marti-sharafta kale Xafladdani waxay noqon doontaa mid ka mid noqota taariikhda horumarka Waxbarashada Somaliland..iyada oo arrimahan oo dhami ay u baahan yihiin kharash badan, loona baahan yahay inaynu qabano." Ayuu yidhi Mr. Manfered.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Madaxa Barnaamijkan ee Ha'yadda AET Mr. Rord iyo Madaxa Waxbarashada Ha'yadda Unicef Marwo Safiya, oo ka waramay sooyaalka Barnaamijkan iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Imtixaanaadka Somaliland Daa'uud Axmed Faarax oo sheegay in muhiimad ballaadhan ay leedahay in Macalimiinta Dugsiyada Sare u badnaadaan Haween oo uu sheegay inay kaga fiican yihiin Ragga macalinimada.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Golis oo ku hadlayay Afka Jaamacadaha dalka iyo Gabadh iyana ku hadashay Afka Macalimiinta tababarka dhammaysatay. Kuwaas oo dhammaantood ka mahad-naqay tababarkan.

Ugu dambayn waxa halkaa Shahaado lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah Macalimiintii tababarka dhamaysatay iyo sidoo kale Hay'adihii iyo Jaamacadihii ka qayb qaatay tababarkan. Dhinaca kale, Madaxa Barnaamijkan ee Komishanka Yurub waxa uu abaal-marin-sharafeed guddoonsiiyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Waxbarashada.

Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland