Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne oo Qaraxyo lala beegsaday

Cabirka Farta

Arbaco, August 20, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxay toogteen labo ruux oo rayid ah, kadib markii lagu qaadayo weerar loo adeegsaday Bambo Gacmeedyo.

Ciidamada Itoobiyaanka ah oo markii Bambooyinka lagu weerarayay ku sugnaa Xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne ayaa waxay weerarkaas kadib rasaas ku fureen dad rayid ah oo ka dhawaa halka qaraxa lagula beegsaday.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markaas kadib waxay ku faafeen xaafadaha Magaalada Beledweyne oo ay inta badan dadkii deganaa ay ka carareen kadib markii ay arkeen muuqaalka Ciidamada.

Waxaa hakaday isu socodkii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada Beledweyne, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay dadka ka baqdeen in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxyada lagu weeraray.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa kadib dagaallo muddo bil gudaheed ah ka dhacay waxay dadkii deganaa u bara-kaceen duleedyada Magaalada iyo weliba Degmooyinka ku dhow, waxaana la soo sheegay in dad badan oo guryahooda ka barakacay ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia