Arbaco, August 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa sheegay in sharciga la hor keeni doono rag uu ku tilmaamay in ay yihiin Qas-wadayaal, kuwaasi oo muddo af-duub ugu heystay degmada Burtinle ee Nugaal.
Cabdi Xirsi Cali ayaa intasi ku daray in aanan laga hari doonin dembiilayaashii ka danbeeyay dilka mid ka mid ah Ciidamadii dagaalka la galay kooxo Maleeshiyaad ah oo Seddex maalin ka hor Isbaaro dhigtay degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal waa Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaasi.
"Ma jirto cid ka awood badan sharciga,waxaana jecelnahay in aan sharciga hor-keeno danbiilayaashii ka danbeeyay qalalaasihii ka dhacay degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal" sidaasi waxaa yiri Cabdi Xirsi Cali Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo Sedex maalin ka hor ay dagaallo ku dhexmareen Koontaroolka Degmada Burtinle kooxo Maleeshiyaad ah iyo Ilaaladii Guddoomiyaha Gobolkaasi.
Inkastoo horay aysan degmadaasi uga jirin falal amniga wax u dhimaya ayaa hadana arintani waxa ay dhalisay xiisad cusub oo degmadaasi ka dhalatay, taasi oo khal khal galisay amniga guud ee Degmadaasi.
Shacabka ku dhaqan Degmada Burtinle ayaa waqtiyadan dambe waxaa soo food saaray cabsi aad u xoog badan,taasi oo ka dhalatay Gawaari Degmadasi lagu kala dhacay iyo falal kale.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraaan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia