Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, August 18, 2008(HOL):  Dagaal culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin iyo Dugsiga Maxamuud Xarbi ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa uu ahaa mid dhawaqa hubka la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Intii uu socday Dagaalka ayaa waxaa madaafiic ay ku dhacday Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa waxay ku geeriyootay Suuqa Mubaarak oo ka tirsan Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo 6 ruux oo kalena ay halkaas ku dhaawacmeen. Madaafiic kale oo ku dhacay xaafadaha u dhow Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa iyana waxay geysteen in ka badan 4 dhaawac ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Suuqa Bakaaraha duqeyn loo geysto, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo sida maanta dhacay oo kale Madaafiic lagu duqeeyay, iyadoo duqeyntaasna ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad aan waxba galabsan oo gudaha Suuqa ku sugnaa.

Ugu dambeyntiina, Duqeynta iyo dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyo xalay ay Dalka Jibouti heshiis ku wada gaareen Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo qodobadiisa ay ku jireen in la joojiyo dagaallada ka socda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia