Talaado, 19, 8, 2008 (HOL): Saakay waaberigii hore ayaa lagu arkayay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaa oo baaritaan Xoog leh ku sameynaya goobaha Ganacsiga iyo guriyaha ay degan yihiin dadka shacabka ah.
Sida uu HOL u sheegay qof goob jooge ah oo ku sugan Xaafadaha ay baritaanada ka wadaan Ciidamada Itoobiya, waxaa la xayiray dhaq-dhaqaaqa gadiidka halka meelaha qaarna loo diidayay shacabku in ay soo maraan, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamadu ku wargaliyeen dadka iska leh goobaha Ganacsiga la baarayo in ay dibada u baxaan inta baaritaanku socdo.
Dadka rayidka ah ee ku sugan Xaafadaha ay joogaan Ciidamada Itoobiya ee Galbeedka Magaalada ayaa muujinaya cabsi ay ka qabaan suurta galnimada weeraro dhaxmara Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda inta baaritaanku socdo.
Maalintii shalay ayay ahayd markii baaritaan kan la mid ah Ciidamada Itoobiyaanku ka sameeyeen Xaafadda Buula-xaabley ee bariga Magaalada, kaasoo Ciidamadu ay ku soo qab qabteen kooxo dhalinyaro ah laakiin markii danbe la sii daayay.
Dhinaca kale Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa si kulul u canbaareeyay dilkii naxariis darada ahaa ee ay Ciidamada Itoobiyaaku kula kaceen dad yarid ah 16 bishan kuwaa oo sida Odayaashu sheegeen qaar ka mid ah loogu galay guryihii ay daganaayeen, iyagoo intaas ku daray in lagula xisaabtami doono Saraakiisha Itoobiya tacaddiga ay geyteen Ciidamadooda.
Inkastoo Xaaladda Magaaladda u muuqto mid degan ayaa hadana waxaa jira wali shaki dadka rayidka ah ka qabo dirir ka dhacda gudaha Magaalada, maadaama Ciidamada Itoobiyaanku u muuqdaan kuwo ku sii adkeysanaya joogitaanka saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Baaritaan Ciidamada Itoobiya ka wadaan qeybo ka mid ah Xaafadaha Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho
- Baarlamaanka Soomaaliya oo gargaar u dalbay Dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya
- Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaaha iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo cambaareeyay duqeyn maanta loo geystay Suuqa Bakaaraha
- Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada Hadallada Jibouti oo shaaciyay hadal ay si weyn ugu farxeen Dadkii Muqdisho ka barakacay
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in lala xisaabtamo cid kasta oo lunsatay Hantida Qaranka
- Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo mar kale si farsamo ah u saxiixay Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen