Baarlamaanka Soomaaliya oo gargaar u dalbay Dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Talaado, August 18, 2008(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu dalalka deeqaha bixiya u diray baaq uu kaalmo deg deg ah ugu dalbayo Dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isagoo ku hadlayay magaca Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa uu codsi u diray Dalalka Deeqaha bixiya, gaar ahaan kuwa Dunida Muslimka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan Dad ay nolol xumo ku heyso gudaha Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya waxaan Beesha Caalamka, gaar ahaan Dunida Muslimka ka codsaneynaa in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, weliba iyadoo ay foodda nagu soo heyso bishii barakeysneyd ee Ramadaanka”ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Marka laga soo tago baaqa uu jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa isna baaq midkaas la mid ah jeediyay Guddoomiyaha KMG ah ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur).

Dhagax-tuur oo Warfidiyeenno kula hadlayay hoygiisa magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu ka codsanayo Hay’adaha Samafalka in ay u gurmadaan dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu xusay in iyagoo nolosha ku adkeyd ay hadana ku soo fool leedahay Bisha Ramadaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia