Khamiis, August 14, 2008(HOL): Dowladda Nigeria ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay todobaadyo gudahood u diri doonto Soomaaliya Ciidamo tiradooda gaareyso 850 askari, kuwaasi oo ka qeybqaadan doona howlgallada ay Ciidamada Amisom ka wadaan Magaalada Muqdisho.
General Emeka Onwuamaegbu oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Ciidamada Nigeria ayaa wuxuu sheegay in ay Soomaaliya u dirayaan Hal Battalion oo Ciidamo ah, kuwaasi oo uu xusay in ay ku jiraan diyaargarowdii ugu dambeeyay.
Sarkaalkan u hadlay Dowladda Nigeria ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada ay Soomaaliya u dirayaan ay isugu jiraan Saraakiil iyo Askar, wuxuuna caddeeyay in ay Ciidamadaas yihiin kuwo sii xoojin doona awoodda Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
Dowladda Nigeria ayaa waxay horay Ciidamo ugu dirtay Dalal sida Soomaaliya oo kale ay fowdo ka taagan tahay, kuwaasi oo kala Suudaan (Darfur), Sierra Leone iyo Liberia, waxaana Nigeria lagu tilmaamaa Dalalka xiligan ugu taagta-roon Qaaradda Afrika
Horay waxaa Dalka Soomaaliya ugu sugnaa Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi oo marka tiradooda la isku daro ay noqoneyso 2,200 oo Askar, kuwaasi oo magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya.
Dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ayaa waxay horay u ballanqaadeen in ay Ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari ay u dirayaan Soomaaliya, hayeeshee ilaa iyo haatan waxaa Ciidamo laga hayaa Dalalka Uganda, Burundi iyo Nigeria oo hadda caddeysay in ay 850 Askari u direyso Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay iska hor-imaadyo kala kulmaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya, inkastoo weerarrada lagu qaado ay yihiin kuwo aan badneyn oo mar mar ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia