Tuulada Moqokori ee Gobalka Hiiraan oo dhowr sano kadib laga furay Dugsi lagu barto Afafka Qalaad

Cabirka Farta


Khamiis, 14, 8, 2008 (HOL) Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Goballada dalka ee sida weyn ugu howlan dib u soo nooleyta adeegyadii Waxbarasho ee ku bur buray nidaam la'aantii uu dalku soo maray 18kii sano ee la soo dhaafay ayaa hadda u muuqda mid ku sii fidinaya howlaha lagu dar dar galinayo Waxbarashada deegaannada sida weyn uga durgsan Magaalada Beledweyne oo ah xarunta Gobalka.
 
Tuulada Moqokori oo qiyaastii 163-Km u jirta Magaalada Beledweyne ayaa dhowr sano kadib waxaa dib howlihiisii u bilaabay Dugsi Hoose Dhexe oo mudo seddex sano ah xirnaa kadib markii arintaas ay gacan ka geysteen Jaaliyadda Hiiraan ee Dibadda oo kaashanaya Bulshada deegaanka Moqokori oo ahaa kuwo si weyn ugu baahnaa in mar kale uu dib u shaqeeyo Dusiga.
 
Dugsiga ayaa ka hor inta uusan xirmin waxaa wax ka baran jiray Arday dhan ilaa 210, hase ahaatee waxaad mooddaa in hadda Ardaydu ka badan yihiin tiradaa maadaama Tuulada Moqokori tahay mid sii fideysa isla markaana ay gaareen Qoysaskii ka barakacay Dagaalladii ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo Qoysas horay uga soo barakacay Magaalada Muqdisho.
 
Aadan Xaaji Macow oo ah xiriiryaha Bulshada deegaanka Moqokori iyo Jaaliyadaha dibadda ayaa mar HOL ay kula kulantay Tuulada Moqokori waxaa uu sheegay in dhismaha Dugsiga lahayd hay'adda ADRA, waxaana uu intaas ku daray in wixii xiligaas ka danbeeyay lagu wareejiyay howlaha Dugsiga Bulshada deegaanka kuwaa oo ay ku adkaatay in ay horay u sii wadaan howlihii Waxbarasho ee dugsiga taasoo keentay in uu xirmo.
 
Waxaa uu intaa sii raaciyay in isbadal lagu sameeyay Manhajkii Dugsiga oo markii hore ku bixi jiray Afka Soomaaliga, laakiin hadda lagu soo kordhiyay Luuqdaha Ingiriiska iyo Carabiga, taasoo ka dhigeysa Dugsiga laga furay Tuulada Moqokori kii ugu horeyay ee noociisa ah marka laga reebo Dugsiyada Waxbarsho ee ku yaala Magaalada Beledweyne.
 
Aadan Xaaji Macow ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha Hiiraan in ay gacan ka geysataan hormarinta howlaha Dugsiga, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shaqsiyaadkii horay u balanqaaday in ay taakuleynayaan howlaha dugsiga in ay xiriir la soo sameeyaan guddiga Dugsiga ee ka dhisan gudaha iyo dibada si loo dardargaliyo howlaha Waxbarasho ee Dugsiga Moqokori.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somali