Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay gurigiisa Bambo Gacmeed lagu weeraray

Cabirka Farta

Khamiis, August 14, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu weeraray Bambo Gacmeed, iyadoo qaraxa bambadaasna uu dhaawac fudud ka soo gaaray labo ka mid ah Ilaaladii Xildhibaanka.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer oo markii weerarkaas bambaano lagu qaaday kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay soo qaadeen kooxo cadaawad u qabay, wuxuuna caddeeyay in uu weerarka lagu qaaday uu la mid ahaa weerarro horay loogu qaaday xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer oo sii hadlayay waxaa  uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in loo weeraray sabab la xiriirta in uu Magaalada Baydhabo ka wado olole mooshin looga geynayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in aanu arrintaas tuhun ka qabin.

"Waa jirtaa in aan ka mid ahay Xildhibaannada difaacaya Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ee qaba in ay Xukuumadda wax qabatay, taasina waxaan qabaa in ay tahay arrin Baarlamaani ah waayo Xildhibaanada caadiyan waa ay ku kala fikir duwanaadaan arrimaha Xukuumadaha"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay waxaa horay uga dhacay weerarro bambaanooyin loo adeegsaday oo lagu qaaday guryo ay degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Mudanayaasha la weeraray ka mid ah Xildhibaan C/llaahi Shaleyti, Xildhibaan C/nuur Ibraahim iyo Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia