Arbaco, August 13, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha degmada Afgooye ayaa waxay maanta hub-ka-dhigis ku sameeyeen Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed Cumar Muuddey.
Guddoomiyaha oo watay labo Gaari oo ay Ciidamo u saarnaayeen ayaa isagoo marayay Buundada Degmada Afgooye waxaa joojiyay oo hubkii uu watay ka qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Degmadaas.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta ka dambeysay in ay Ciidamada Itoobiyaanka hub-ka-dhigista ku sameeyaan, iyadoo weliba la xusuusan yahay in Guddoomiyaha Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muuddey uu dhowr jeer ka badbaaday qarax miino oo ay u dhigeen Kooxaha Dowladda Federaalka ka soo horjeeda.
Hub-ka-dhigista lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Afgooye ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay Degmadaas ku soo wajahan yihiin Ciidamo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo aan wax war ah laga heynin sababta loo keenayo Degmada Afgooye.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray Dalka Itoobiya oo socod lug ah ku marayay Degmada Afgooye ay dagaal kala horyimaadeen kooxo hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Maamulka Degmada Afgooye, lamana oga in hub-ka-dhigista Guddoomiyaha degmada iyo iska-hor-imaadkaas ay xiriir leeyihiin.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoomiyaha Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muuddey, kaasi oo ku saabsan hub-ka-dhigista ay ku sameeyeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Degmada Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia