![]() |
| Wasiirka is-casilay-Abshir Axmed Xasan |
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo HOL soo gaadhay, Wasiirka Dib-u-dejinta waxay is-casilaaddiisa sabab u ahaa duruufo iyo arrimo u gaar ah oo la soo dersay Wasiirka. Hase ahaatee, mar jiraan warar madax bannaan oo arrintan ka soo baxay. Waxaana Wasiirka lagu amray inuu si ku-meel gaadh ah Xilka ugu sii wareejiyo Wasiir-ku-xigeenkiisa.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Istiqaaladii ka aqbalay Wasiirkii Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland Mudane Abshir Axmed Xasan oo isagu soo codsaday , waxana uu ku sheegay Istiqaaladiisa duruufo u gaar ah.
Qoraalkii Madaxweynuhu istiqaaladda kaga aqbalay Wasiirkii Dib u dejinta Somaliland waxa ay u qornayd sidan:
Waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa muddadii aad qarankan JSL u soo shaqaynaysay intii aad ahayd Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta , waxaanad muujisay xilkasnimo iyo daacadnimo ood ku maamulaysay xilkaasi aad qaranka u haysay.
Hadaba, markaan ka baaraan degay nuxurka qoraalkaaga ee aad igaga codsanaysay in aad hawlahaaga gaarka ah aad qabsato , waxaan kugu war gelinayaa inaan kaa aqbalay istiqaaladaadii laga bilaabo taariikhda qoraalkan , si aad ugu madax banaanaato ujeedooyinka aad hiigsanayso , ilaahayna ha kuu fududeeyo.
Waxaan ku farayaa inaad xilkii Wasaarada ku sii wareejiso Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dib u dejinta, intaan cid kale u soo magacaabayo”.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
