
Arbaco, August 13, 2008(HOL): Dhamaan Deegaannada Puntland waxaa ka soconaya qaban qaabo loogu diyaar garoobayo doorashada Puntland ka dhici doonta sanadka soo socda ee 2009.
Doorashada Puntland ka dhici doonta ayaa ah mid iminka ay isu soo taageen Musharaxiin aad u fara badan oo doonaya in doorashadaasi ay ka qayb galaan ,isla markaana ay ku guulaystaan.
![]() |
| Musharax General C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) |
Labada Musharax ayaa midkiiba waxaa loo sameeyay soo dhawayn heer sare ah,
iyadoo ay kaga hortageen Airportiga Mas'uuliyiin kala duwan iyo urrurada Bulshada qeyabaheeda kale.
Musharaxiinta doonaysa in ay ka qayb gasho doorashada Puntland ka dhici ayaa mid kasta waxa uu leeyahay hal ku dhig u gaar ah, hadii aan tusaale ahaan u soo qaato Musharax Cumar Cali Farjac oo ka mid ah Musharaxiinta doonaysa in ay ka qayb gasho doorashada waxaa hal ku dhig u ah ( Change for Puntland).
Labadii Musharax ee ugu danbaysay ee soo gaara Magaalada Bosaaso ayaa mid kasta qabay in haddii isaga la doorto uu is-badal ku samayn doono maamulka Puntland oo aas-aaskiisii ay ka soo wareegatay muddo 10 sano ah.
Musharax C/llaahi Axmed Jaamac oo ah General ka tirsanaa dawladdii dhexe ee Somalia ayaa sheegay xilli uu saxaafadda kula hadlayay Hotelka Panorama ee Magaalada Boosaaso in uu ku kalsoonayahay kartida uu u leeyahay in uu ku Guulaysto dooorashada Puntland ka dhici doonta.
![]() |
| Musharaxa Nuuraddiin Aadan Diiriye oo salaamaya Taageerayaashiisa |
Muusharaxiinta doonaysa in ay u tartamaan jagada Madaxwaynenimo ayaa gaaraya ilaa 7 Musharax kuwaasi oo intooda badan ay yihiin kuwa qurbaha ka yimid, waxaase la dhowrayaa midka ku guuleysan doona Madaxweynenimada Puntland.
Beryihii ugu dambeeyay waxaa soo baxaysay Eedaymo loo jaydinayo Madaxwaynaha DGPL Jen. Cadde Muuse, kuwaasi oo ku aadanaa in uu doonayo in uu xilkii Madaxwaynenimo uu sii haysto, balse Madaxwaynaha oo eedemahaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in hal Maalin barkeed xitaa uusan ku darsan doonin xilka Iminka uu u hayo shacabweynaha Puntland.
Shacabwaynaha ku dhaqan deegaannada Puntland ayaa iminka wada Olole ay isugu diyaarinayaan sidii ay codkooda u siin lahaayeen mid ka mid ah musharixiintaas oo haatanba soo qadimaya ballanqaadyo waxqabad.
Isku soo wada duuboo Doorashadan ayaa la filayaa in sanadka soo socda ay Puntland uga dhacdo si xornimo ah oo ay dimoqraadiyad ku jirto , waxaana dhammaan Musharaxiinta isu soo sharaxday xilkani ay doonayaan sidii ay kalsooni buuxda uga heli lahaayeen shacabweynaha Puntland.



Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia

