Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kismaayo iyo Xildhibaanno uu hoggaaminayo Col. Barre Hiiraale oo kulan yeeshay

Talaado, April 08, 2008(HOL): Waxaa maanta magaalada Kismaayo shir ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Magaaladaas iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beryahan Kismaayo ku sugnaa, kuwaasi oo uu horkacayay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.

Kulanka ay labada dhinac yeesheen oo ka dhacay Xarunta Saldhigga Booliska Kismaayo ayaa  looga hadlay arrimo ku saabsanaa sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Kismaayo iyo sidii loo isugu keeni lahaa oo loo mideyn lahaa Ciidamada ku sugan Magaalada iyo kuwa jooga duleedka Magaalada Kismaayo.

Xildhibaannadan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Jen Axmed Warsame iyo Xildhibaan Yuusuf Kaanti ayaa waxay maalmihii tegay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo oo ay kulamo kula lahaayeen Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka, kuwaasi oo ay kala hadlayeen arrimo ku saabsan sidii Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo mid ah loogu sameyn lahaa maamul goboleed la baxay Jubbaland State.

Haddaba iyadoo ay Xildhibaanadan ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo ayaa hadana madaxweynaha Dowladda Federaala Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay mar uu Magaalda London arrimo caafimaad u joogay  in Magaalada Kismaayo aysan ka talin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dadka magaaaldaas ka taliya ay yihiin qabiillo aysan Dowladda dooneynin in ay faraha la gasho, iyadoo warkaasina ay si weyn uga xumaadeen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in uu gobolka Jubbada Hoose ka taliyo maamul ku magacaabay digreeto uu soo saaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay ka mid tahay Magaalooyinka waa weyn ee leh ilaha dhaqaale, waxaana ku yaala Deked iyo Garoon Diyaaradeed oo haatanba shaqeeya, kuwaasi oo inta badan laga soo dejiyo badeecooyin ay leeyihiin Dad Ganacsato ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia