Madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye

Talaado, April 08, 2008(HOL): Madaxtooyada Somaliland, ayaa jawaab ka soo saartay hadal ka soo yeedhay Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay inaanay Xisbi ahaan aqbali doonin Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HOL, ayaa ku tilmaamay hadalka Guddoomiyaha mid baal marsan Dastuurka dalka u yaala.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan;

"Aniga oo tix-raacaya Waraysiyadii   Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo uu siiyay Warbaahinta qaar ka mid ah , taasi oo uu ku cel-celiyay in aanu aqbali doonin in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo kordhiyo mudada uu xilka Madaxtinimada hayo.

Marka hore Siinaayo si fiican uma akhrisan Dastuurka dalka u yaala  ee ku saabsan doorashada Madaxweynaha, qodobka 83-aad, Farqadiisa saddexaad oo si cad u tilmaamaysa in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ay sii wadi doonaan hawlaha ay u xil saaran yihiin ilaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen cusub  la soo doortaa kala wareegaan xilka.

Waxa la yaab leh in Siilaanyo carabka ku dhuftay in Madaxweynuhu ka soo baxo Qasriga Madaxtooyada bisha May badhtamaheeda sida uu hadalka u dhigay, taasina waxay muujinaysaa in qasrigii Madaxtooyada uu ka dhigay guri ama dukaan isagu iska leeyahay.

Afxumada iyo Aflagaadada noocaas ahi ma aha sifo lagu hanan karo kursiga Madaxtinimada dalka , waxase aanu u sheegaynaa in Madaxweynuhu yahay Madaxweyne Qaran oo shacbiga reer Somaliland soo doorteen , una diyaar yahay in uu jagada baneeyo  haddii lagaga helo doorasho xor ah oo xalaal ah, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu baal marsan yahay go’aankii ay wada jir u gaadheen Saddexda Xisbi Qaran oo uu ka mid yahay xisbigiisu , kaas oo ku salaysnaa in doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada la qabto Bilaha July iyo August.

Waxa la yaab leh in uu Siilaanyo ku tilmaamay dhawr jeer xeerka diiwaan gelinta in uu yahay mid qurxin  ah , balse aanu waafaqsanayn dastuurka doorashada. Sida laga war qabo waxa uu Siilaanyo had iyo jeer  ku cel celiyaa in doorashadu wakhtigeedii aanay dhacayn , taasi oo uu khal khal iyo cabsi gelin ku abuurayo shacbiga dhexdiisa.

Wax badan ayuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyay  in uu diyaar u yahay in doorasho xor ah ay dalka ka dhacdo , wakhtiga se doorashadaasi la qaban doono ,  waxa ay tahay mid u taala oo ay go’aankeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinku."

Hadalka iyo dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa uu ka dambeeyay Waraysi uu siiyay Wargeyska Madaxa bannaan ee Ogaal ee Magaalada Hargeysa. Kaas oo uu ku sheegay inaanay suurtogal ahayn in mar kale muddada Xilka loo kordhiyo Madaxweyne Rayaale. “Waxa weeyaan mid ayaa loo socday oo ay dawladu u socotay si kasta oo ay u dhacdaba in la doonayey oo aanu fahamsanayn in doorashada dib loo dhigo, Madaxweynahana wakhtigiisa loo kordhiyo..Waxaanu Cadeynaynaa Sharciga maanta yaala iyo dastuurka qaranku ma ogola, anaguna [KULMIYE] ma ogolaanayno, shacab-weynuhuna ma ogolaanayaan in hal maalin ah lagu darro mudada Madaxweynaha” ayuu yiri Md. Siilaanyo. Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, "Anagu waxaanu markastaba taaganay inay doorashadu qabsoonto iyo inay qabsoomiweydo waxba kama dhaxeeyaan, laakin waxa taa ka sooo horeysa maalinta ay mudadu Madaxweynaha ka dhamaato, sharciyad u hadhay ma jirto oo waa inuu halkaa dhigaa xilka, oo uu Xafiiska dibada iska taaga ayaanu leenahay”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland