Talaado, April 08, 2008(HOL): Ganacsatada yar yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa diidayeen in wax looga iibsado lacagta duugowday ee Kunka Shillin Soomaaliga ah.
Diidamada lacagtaas waxaa digniin ka soo saaray Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, Golaha Dhaqnka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, hayeeshee weli waa ay socotaa diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga ah.
Qaar ka mid ah ganacsatada diideysa lacagta duugowday ayaa waxay sheegeen in haddii ay qaataan lacagta duugowday aysan ka qaadaneynin Sariflayaasha waa weyn ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay lacagta Shilin Soomaaliga ah uga bedeshaan tan Doollarka, marka ay badeecooyinka dibadda ka soo iibsanayaan, laakin Sariflayaasha eedeyntaas loo jeediyay waa ay beeniyeen eedeymahaas uga yimid qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho.
Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa haatan waxaa heysta labo dhibaato oo uga imaanaya dhinaca Ganacsatada, kuwaasi oo kala ah diidmada lacagta Kunka Shilin ee duugowday iyo weliba qiimo kordhin ay ganacsatada ku sameeyeen raashinka quutul-daruuriga ah haddii uu ahaan lahaa midka dalka ka baxa iyo haddii uu noqon lahaa kan dibadda laga keeno.
Qiimo kororka ku yimid Raashinka Quutul-daruuriga ah ayaa wuxuu salka ku hayaa Sarifka Doollarka Mareykanka oo Suuqyada Muqdisho sare uga kacay, iyadoo sarifka Boqolka Doollar uu marayo 2,800,000 Sh. So, iyadoo taasina ay keentay in ay ganacsatada iyana sare u sii qaadaan raashinka quutul-daruuriga ah ee aysan dadka ka maarmin.
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday labadaas arrimood, kuwaasi oo ka dhacay Suuqyada Arjantiin, Sanca, Maanaboolyo iyo Fagax, iyadoo dadka banaanbaxaas dhigayayna ay dhagxeynayeen Goobo Ganacsi iyo Gaadiid socday Waddooyinkii ay banaanbaxa ka dhigayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia