Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka digay in la diido Lacagta Kunka Shillin ee duugowday

Lacag duugowday oo Sh. So Lacag cusub oo Sh. So
Axad, April 06, 2008(HOL): Shir uu maanta maamulka Gobolka Banaadir ku yeeshay Xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka soo saaray digniin uu u diray ganacsatada Muqdisho ee diida qaadashada lacagta Kunka Shillin ee duugowday.

Shirka ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa gunaanadkiisii waxaa laga soo saaray go’aanno adag oo ka dhan ah ganacsatada diida Lacagta duugowday ee Shillin Soomaaliga ah.

Go’aannada ka soo baxay Shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in Ganacsadihii diida lacagta Kunka Shillin oo ay muuqdaan afarta Nambar ee uu geesaha ku leeyahay uu wajihi doono ganaax Hal Milyan ah iyo Seddex Bilood oo Xarig ah oo uusan iibsan karin, sidoo kalena qofkii lagu arko isagoo wata lacag Sh. So been abuur ah oo ka badan 100 kun waxaa la ganaaxi doonaa Seddex Milyan Shillin Soomaali ah iyo Seddex Bilood oo Xarig ah oo uusan iibsan karin, qofkii isna lagu helo Lacag Doollar ah oo been abuur ah ayaa isna wuxuu muteysan doonaa Seddex Milyan Shillin Soomaali ah iyo Seddex Bilood oo Xarig ah oo uusan iibsan karin.
 
Go’aankan ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac uu uga digay ganacsatada in ay diidaan qaadashada lacagta Kunka Shillin ee duugowday, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay la soo xiriiraan Saldhigga ugu dhow haddii ay arkaan cidda lacagta ka diideysa.

“Lacagihii kale oo dhan waa la baabi’iyay hadana waxaa loo socdaa in la baabi’iyo lacagta Kunka Shillin ah ee u hartay Shacabka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaan ugu cel celineynaa ganacsatada inay lacagta qaataan oo aysan Dadka iyo Dalkaba dhibaato u horseedin”ayuu yiri C/llaahi Shaacshaac.

Dhanka kalena, Maamulka Degmada Balcad ayaa maanta wuxuu xabsiga dhigay ganacsato tiradooda ku dhowdahay 20 ruux, kuwaasi oo la soo xiray kadib markii ay diideen in ay qaataan lacagta duugowday ee Kunka Shillin, inkastoo la sii daayay kuwo iska bixiyay lacag hal milyan ah oo lagu ganaaxay ganacsatada la soo xiray.

Maamulka Degmada Balcad ayaa inta uusan Ganacsatadan xirin wuxuu todobaadkii hore siiyay digniin ku saabsaneyd in aysan diidi karin lacagta Kunka Shillin ee duugowday.

Horayna Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee uu Guddoomiyaha u yahay Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Xasan Xaad ayaa waxay uga digeen diidmada lacagta Kunka Shillin ee duugowday, iyagoo sheegay in ciddii diida lacagtaas ay tahay cadawga shacabka Soomaaliyeed, ayna mudan tahay in la iska celiyo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqyada ku yaala Koofurta Soomaaliya oo uu ugu weyn yahay Suuqa Bakaaraha ayaa maalmahan waxaa ka socda diidmada lacagta Kunka Shillin Soomaaliga ah ee duugowday, iyadoo  meelaha wax laga iibsado qaarkood aad ku arkeyso ganacsato kala sooceysa lacagta ay dadka wax kaga iibsanayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia