Axad, April 06, 2008(HOL): Xaafadda Godey ee Degmada Kaaraan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Madaxii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Waqqooyiga Muqdisho Cabdi Cabdullaahi Calasow.
Marxuumka ayaa la sheegay in isagoo Xaafadda Godey gaari ku marayay ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen, kadibna uu sidaas ku geeriyooday, iyadoo ilaa iyo haatanna aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay marxuumka u toogteen kooxahaas hubeysan.
Marxuum Cabdi C/llaahi Calasow ayaa marka laga soo tago in uu ahaa Madaxa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Waqooyiga Muqdisho waxaa uu dhanka kale ka tirsanaa Garsoorayaasha Heerka Koowaad ee Kubadda Cagta Soomaaliya, wuxuuna ahaa nin wanaag lagu yaqaanay oo aad u degan.
Dhanka kalena, Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay seddex nin oo wada socday, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Yuusuf Negeeye, Shiikh Cali Duduble iyo Cardoof Ugaas Maxamed Carab.
Seddexdan Nin oo la sheegay in markii la tooganayay ay ku sii jeedeen Masjid ay ku soo tukan lahaayeen Salaaddii Maqrib ayaa waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo ka soo raacay meel ay Shaah ku soo wada cabeen.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa ammaankeeda wuxuu yahay mid sii xumaanaya, waxaana ka dhaca dilal, qaraxyo, iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia