Axad, April 06, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha u dhow Isgoyska Florenza ayaa waxay ka cabanayaan falal dhac iyo cabsi-gelin ah oo ay ku hayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Isgoyskaas dhawaan la soo dejiyay.
Dadkani ayaa waxay sheegeen in habeenkii iyo maalintii ay Ciidamadan dhexgalaan Xaafadaha u dhow Isgoyskaas, kadibna ay dadka ka qaataan Lacag iyo Taleefoonnada gacanta ah wixii ay wataan.
Dadka ku dhaqan nawaaxiga Isgoyska Florenza ayaa waxay ka codsanayaan hoggaanka ay hoos-tagaan Ciidamadan in ay wax ka qabtaan falalka burcadnimada ah ee ay ciidamadan geysanayaan ama ay meeshaba ka qaadaan.
Ciidamadan ku sugan Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa la soo dejiyay halkaas dhawaan, iyadoo laga soo bedelay fariisin ay ku lahaayeen Xaruntii Villa Baydhabo ee Degmada Wadajir, halkaasi oo intii ay ku sugnaayeen ay ka geysan jireen falal dhac ah oo ay dadka deegaannadaas ka qeyliyeen.
Dhanka kalena, waxaa saaka furan oo ay Dadka iyo Gaadiidka isticmaalayaan Isgoyska Florenza oo maalintii shalay ahayd u xirmay sabab la xiriirta iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan iyo kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia