Arbaco, April 30, 2008(HOL): Waxaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur) iyo Wafdi uu hoggaaminayay, kuwaasi oo ka amba baxay magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu tegay Magaalada Baydhabo waxaa uu markiiba kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe, walow aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen labada mas’uul.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan ujeedada ka dambeysa socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Baydhabo, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaaraha doonayo in uu la hadlo Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu u faah-faahiyo arrimo ku saabsan Xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo weliba Dib u heshiisiinta ay Dowladda la geleyso Mucaaradka ka soo horjeeda.
Dhawaanahan ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxay dalbanayeen in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu yimaado Baarlamaanka Soomaaliya, si wax looga weydiiyo halka ay u wax u marayaan Xukuumadda Federaalka iyo weliba Dib u heshiisiinta ay dooneyso in ay la gasho Mucaaradka ka soo horjeeda.
Dhanka kalena, Socdaalka Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ee magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka magaaladaas uu ka dhacay Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay, kaasi oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa agagaaraha Saldhig-yaraha Magaalada Baydhabo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in qaraxii saaka iyo rasaas ka dambeysay oo ay fureen Ciidamada Itoobiya ay geysteen dhimashada dad ka badan 15 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, iyadoo haatanna ay magaalada howlgallo ka sameynayaan Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo baaraya guryaha u dhow halka uu qaraxii saaka ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia