Arbaco, April 30, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay maamul KMG ah u magacawday Gobolka Hiiraan oo muddooyinkan maamul la’aan ahaa kadib markii maamulkii gobolkaas loo magacaabay ay ka awood roonaadeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Wareegto uu maanta soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha iyo ku xigeennada Degmada Beledweyne, iyadoo maamulladii Degmooyinkana sidooda loo dhaafay.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo wareegtada uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha Saxaafadda u aqrinayay ayaa wuxuu sheegay in maamulka loo magacaabay Gobolka Hiiraan uu yahay mid KMG ah oo shaqeynaya muddo 90 cisho ah oo lagu soo dhisayo maamul rasmi ah oo qaab doorasho ah ku yimid.
Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha magacaabistaas sameeyay kadib markii uu eegay xaaladda maamul la’aaneed ee uu ku sugan yahay Gobolka Hiiraan iyo la-tashiyo uu la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin, kuwaasi oo ku waafaqay in maamul KMG ah loo dhiso Gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta loo magacaabay Gobolka
Maxamed Axmed Maxamed Guddoomiye
Saleebaan Axmed Hilowle Guddoomiye ku xigeen
Cabdi Ibraahim Muumin Bariise Guddoomiye ku xigeen
Cabdi Iidow Sabriye Guddoomiye ku xigeen
Mas’uuliyiinta loo magacaabay Degmada Beledweyne
Saalax Muumin Muuse Guddoomiye
Salaad Xasan Cabdi Guddoomiye ku xigeeen
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow Guddoomiye ku xigeen
Inj. Faarax Muuse Taano Guddoomiye ku xigeen
Duqa Magaalada Beledweyne
Aadan Cabdi Ciise Garaaso Duqa Magaalada
Maxamed Macallin Xasan Ku xigeenka Duqa Magaalad
Taliska Ciidanka Gobolka Hiiraan
G/lle sare Axmed Cilmi Guuto Taliyaha Gobolka
G/lle sare Ibraahim Axmed Magan Taliye ku xigeenka Gobolka
Taliska Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan
G/lle sare Cabdi Aadan Caddow Taliyaha Q. Booliska Gobolka
G/lle sare Xuseen Shukri Taliye ku xigeenka Q. Booliska
Taliska Saldhigga Degmada Beledweyne
G/lle C/llaahi Xaashi Shirwac Taliyaha Saldhigga Beledweyne
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka ay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Gobolka Hiiraan ayaa waxay magacaabidiisa ku soo beegmeysaa iyadoo ay dhawaan Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka iyo weliba Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofur Afrika C/kariin Faarax Laqanyo ay ku howlanaayeen sidii Gobolka Hiiraan loogu dhisi lahaa maamul ka yimid Dadka Gobolka oo aan dusha looga keenin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia